Maxaad Ka Taqaan Tagsiilaha Busaaradu Ku Dubatay Yurub Ee Warbaahinta Baahada Loogu Sameeyey Ka Sinaysta ?

Mid kamida Tagsiilayaasha ugu caansan  qaarada yurub   islamarkaana  hab, baaho ah loogu sameeyey shabakad yar oo ku hadasha af degaan gaar ah ayaa beryihii u danbeeyay wuxuu bilaabay inuu dhuuni ku raadsado xukuumada taagta iyo tamarta daran ee sii dhacaysa  ay ka taliyaan guurtida aan shaarubaha lahayni.

buuurNinkan oo magaalada burco magac looga yaqaanay  magac lagu naanaysi jiray balse ahaa xariif gacan fudud oo dadkuba isla yaqaaniin  ayaa waxa uu lug ku galay  cariga ingiriiska halkaasi oo beryo ku jiray kiniisad markii danbena ka qabtay shaqooyin ay ka mid ahaayeen  inuu u maydho islaamaha gaboobay ee xanaada u baahan iyo beeraha lagu daryeelo dadka gaalada ah ee duqoobay.

Dhawaan mar uu yimi dalka ayaa waxa uu galay aqalka hadoodilan ay ka taliyaan islaamaha loo yaqaan guurtida aan shaarubaha lahayn iyo gacan yarayaasha  islamahaasi u riix riixa , waxaana ay balan qaadeen inay siin doonaan dhaqaale ka dib markii uu ka cawday dhaqaale daro soo food saartay oo uu sheegay in shabakadiisii ku dhawahay inay xidhanto uuna u baahan yahay garab iyo gargaar xataa aanu haysan wax uu ku raaco diyaarada.

Afhayeenka ahna Xoghayaha  Guurtida aan shaarubaha lahayn  Wasiirka Madaxtooyada ee wakhtigan ayaa u gacan haadiyey kaasi  oo ruclo orod ugu jira sidii uu u hanan lahaa kursiga uu ku riyooday ee gudoomiyaha xisbiga kulmiye uuna muquuniyo Maxamed Kaahin oo ah nin ay isku beel kasoo jeedaan ,  Afhayeenka Guurtida bilaa shaarubaha ah ayaa yarkaasi ka faaidaystay  baahidii haysay waxaana u balan qaaday inuu hada wixii ka danbeeya ka kafayn doono dhaqaalaha kaga baxa shabada islamarkaana uu bixin doono dhamaan mushaharka shaqaalaha iyo kirada xafiisyada badelkeeda uu sameeyo inuu cay iyo aflagaado aan kala go’o lahayn la daba jabacsado Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan  isla markaana uu sameeyo qoraalo sawiro iyo muuqaalo uu wax kaga sheegayo Xirsi isna uu bixin doono dhaqaale buuran .

Ninkaasi  shabakda loo baaheeyey ee qabyalada deegaankiisu madax martay waa ninka iska leh shabadaka aan macaamiisha badan lahayn ee loo yaqaan Caynaba magaciisuna yahay Aadam Caydiid (Candhaadhi) kaasi  oo habeen iyo maalinba u faydan musharaxna ku qaata cayda iyo aflagaadada xirsi balse waxaanu ogayn inuu xirsi yahay nin adag oo aanay waxaas karin qabyaaladna ku shaqayn , dhawaan waxaanu soo bandhigi doonoo xogo muhiima  oo ku saabsan siro badan oo laga hayo  Aadan Candhadhi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.