QM oo ka digtay in Gaza ay halis ugu jirto macluul

GAZA – (WARSOOR) – Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay Khamiistii shalay in Waqooyiga Gaza ay weli halis ugu jirto macluul, inkastoo waxoogaa horumar ah laga sameeyay gaarsiinta gargaarka la geeynayo dhulka ay dagaalladu go’doomiyeen.

Dhinaca kale waxaa socda baaqyada loo jeedinayo Xamaas ee ku aadan inay aqbasho heshiis xabad joojin ah oo ay Israel la gasho.