Biden oo xirmo gargaar oo hub ah u saxiixay Israel

WASHINGTON – (WARSOOR) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii shalay u saxiixay Israa’iil xirmo gargaar ah oo dhan 26 bilyan oo dollar, xilli ay jiraan baaritaanno dheeraad ah oo ku aaddan in milateriga dalkaas uu la kulmayo heerarka xuquuqda aadanaha ee Mareykanka.