Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Hirdanka Mandaqada ee Ganacsiga iyo Kaalinta Somaliland

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa si qoto dheer u faahfaahiyey tartanka xoogan ee loogu jiro Suuqa dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 120 Milyan.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayay hadhiimo sharafeed uu Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ugu sameeyay caasimada Hargaysa Safiirka cusub ee Somaliland u fadhiyi doona dalka Itoobiya Aadan Geedi Qayaad, ayaa waxa uu wasiirku sheegay in safiirka cusubi uu dhawr iyo sodonkii sanno ee u danbeeyay dalka u soo shaqaynayay isla markaana haatan xil weyn loo magacaabay, waxaanu ilaahay uga baryay inuu mas’uuliyadaas culus ku soo asturo.

Wasiirku waxaa kale oo uu ka hadlay Xidhiidhka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland isagoo arrintaas ka hadlayay waxa uu yidhi ‘’Itoobiya waa dalka xudduudka ugu dheer aan la wadaagno sidoo kale waa dalka dhaqaale iyo ganacsi uu wax badani isaga keen xidhan yahay, labadeenna dhinac markaad eegto waxaa la odhan karaa waa (Live land-keenii), sidaa awgeed in xidhiidhka la xoojiyo, xaga amniga iyo dhaqaalahana la iska kaashado waa wax aynu labadeenna dhinacba u baahan nahay, waana sababta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland rag waayeel ah oo ruug cadaa ah oo Aadan oo kale ah ugu magacaabay.’’

Wasiirka Warfaafinta waxaa kale oo uu iftiimiyey tartanka dekaduhu ugu jiraan sidii ay saami weyn uga heli lahaayeen dhaqaalaha Itoobiya wuxuu yidhi; “Sidaad la socotaan suuqa ganacsi ee Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn iminka, dadkiisuna 120 Milyan uu kor u dhaafayo si xawli ahna uu ku socdo, dadka gobolka degen oo dhami waxay isku haystaan oo mid kastaa doonayaa inuu noqdo ka saamiga ugu weyn ee ganacsi ka hela isla markaana ka faa’iidaysta suuqaas, hadday tahay waxa la dhoofinayo iyo waxa la soo dejinayaba, Waxaa si gaar ah u tartamaya dekedaha gobolka, haday tahay ta Jabuuti, dekedaha Somaliland, kuwa Puntland, ta Xamar, Kismaayo, iyo Mombasa waxaanu mid kastaa rabaa inuu qaybta ugu weyn dhaqaalahaas uu helo, iyadoo ay sidaas tahay inagu markii aynu xidhiidh ganacsi la samaysanay ee aynu wax is dhaafsanay Soomaali badan ayaa is qiiraysiisay oo tidhaahda Xabashi ayaa la inoo gelinayaa iyo Oromo ayaa la isu dhiibayaa, hada iyadoo ay caynkaas tahay dadkaasi waxay u xusul duubayaan oo faq iyo fagaareba ugu hawlan yihiin inay iyagu noqdaan kuwa saamiga ugu badan ka qaata waxa laga helayo Suuqa Itoobiya.”

Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay sababta ay Itoobiya uga jeclaysatay dekedaha Somaliland kuwa kale ee gobolka waxaanu yidhi

‘’Somaliland haday nahay dhego uma lihin qof isagiiba doonaya inuu ganacsigaas qaybta ugu weyn ka qaato oo isagii u dhukusaya in heshiis lala galo inuu hadana innagii innagu yidhaado Itoobiya ayay deked siinayaan ama heshiis la gelayaan taasi wax aynu dhegaysanayno ma aha, waxaanan qiyaasayaa waxa ugu weyn ee inoo hiilinayaa waxa weeyi fursadaha aynu haysano haddii ay Kismaayo ama Xamar haysan lahayd cidba may dhegaysteen ee beri hore ayay dhammaysan lahaayeen, waxaynu nahay Juquraafi ahaan dadka ugu dhow dhulka muhiimka ah ee Itoobiya, tusaale ahaan Wajaale iyo Maamul goboleedka Soomaalida Itoobiya waxay isu jiraan 50 Km markaad Feer-feer joogtana waxay isu jiraan kun iyo dheeraad KM, Sidoo kale magaalooyinka waaweyn ee Itoobiya sida Herer, Diridhaba iyo wixii la mid ah waa 100Km-,80Km iyo wax la mid ah sidaa aawadeed ayay khasab ka dhigaysaa inay xidhiidh dhow la samaystaan Somaliland inaguna aynu xidhiidh dhow la yeelano.’’

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna afhayeenka Xukuumadda Somaliland Mudane Cali Mareexaan waxa uu sheegay in Somaliland ay xoojinayso xidhiidhka amni ee ay la leedahay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

“Waxa kaloo jira xaga amniga markaan eegno haddii aan la adkayn waa wax labadeenna dhinacba saamayn ku leh, 33-kaas sannadood ee aynu jirnay wax xumaan ah amase dhibaato ahi kamuu iman inaga ayaana ku filnayn, xadka jabuuti in aan ciddi ka gelin isagana inaga ayaa ku filan oo mas’uul ka ahayn, Xadka Jabuuti aynu wadaagno Xasan sheekh mas’uul kamuu ahayn, inay Jabuuti nabad ahaato oo deegaankeedu nabad ahaado waxay ku suurto gashay cashuurta Somaliland laga qaado ayaa sabab u ah inay amnigaas ahaato, sidaas awgeed waxaa loo baahan yahay inuu gobolku is kaashado oo amniga ka wada shaqeyno wixii fadqalalo keenayana meel looga soo wada jeesto.’

Sidaa awgeed, nabada gobolka Somaliland waxay ka tahay qayb weyn, saami weyn ayay ku leedahay waxaana taas keenay xasiloonida iyo amniga Somaliland ka jira waxaa loo baahan yahay in dadka gobolkuna la ilaaliyaan waayo waxaa ku jirta danta gobolka,” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Qore: Yuusuf Maxamed Ismaaciil