Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiiladda JSL Oo Kulan la Yeeshay Wasiirka Waxbarashada Waxbarashada iyo Gudida Imtaxaanaadka Qaranka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiiladda JSL ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Waxbarashada Waxbarashada iyo Gudida Imtaxaanaadka Qaranka.

Kulanka oo uu shirgudoominayay gudoomiyaha Guddida Md. Axmed khkiif Jamac Saalx isla markaana ay goob joog ka ahaayeen xubnaha guddidu, ayay gudidu Warbixino la xidhiidha shaqada ay qaranka u hayaan kaga dhagaysatay masuuliyintiinta Wasaarada iyo Gudida Imtaxaanaadka. Kadibna Su’ aalo ka waydiiyeen. Sidoo kalena ay Gudidu la wadaagto Madaxa Wasaarada Xeerka Xafiiska Imtaxaanaadka oo ay Gudidu diyaarisay

Kulanka oo saacado badan socday ayay gudidu suaalo badan ku waydiiyen, Wasiirkuna Uu mid mid uga jawaabay.

Gabogabadii kulankaasina waxa uu ku so dhamaaday jawi wacan, Waxaanu loo balamay in kulamada iyo wadashaqayntu halkaa ka sii socdaan.