Wasiirka Duulista Somaliland oo Sheegay Waxa Uga Meel Yaala Haddii Soomaaliya ku Adkaysato Inay Maroorsato Maamulista Hawadda Soomaaliya

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa maanta shir jaraa’id uu ku qabtay xafiiskii waxaa uu kaga warbixiyey safar uu madaxweynaha u sii raacay Abu Dubia oo halkaasi ka hadhay waxyaalihii uga qabsoomay.

wasiir_farxaan

Wasiirka ayaa sheegay inuu kulamo la qaatay madaxda dawladda iyo hayaddo kale oo ka shaqeeya horumarinta, wasiirka ayaa yidhi, “Madaxda sare waanu la kulanay ee dawladda, waxaanu kaloon la kulannay hayadda la yidhaahdo Abu Dubai Development Fund oo runtii ah sida Kuwait Fund-kii inoo maal-galiyey madaaradda oo halkoodii oo kale ku jirta…. Wax badan banu ka wadda hadalnay”.

Wasiirka ayaa sheegay in uu kulano gaar gaar ah la qaatay shirkadda Fly Dubai iyo shirkaddo kale oo ay ka wadda hadleen arimo la xidhiidha xumbadda diyaaradaha lagu bakhtiiyo, tababaradda shaqaalaha madaarka iyo arimo kale oo badan oo ay shirkadahaasi balan-qadeen inay Somaliland la qaban doonaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha ay dawladda Soomaaliya wadday dhawrkii sano ee u dambeeyey oo ay ku doonaaysay in gacanta loo soo galiyo maamuladda Hawadda Soomaaliya oo dhan.

Wasiir Farxaan ayaa yidhi, “Mar walba dawladda Somaliland waxay taagnayd war waxaynu wadda leenahay aynu ka wadda hadalno inta heer caalami oo ka duwan sifahaa aynu ku heshiinaynana ha noqoto sifo temporary (kumeel-gaadha) ah aynu ku gaadhno”.

“Waxaan isleeyahay maroorsina ku suuro geli mayso, oo awood uma laha, cidbaana inoo dhaxaysa, cidaasi haddii ay dhex dhexaadnimada ka baxdo, Somaliland waxay awood u leedahay inay sistamkeeda dhamaystirato oo ay hawdeeda maamulato diyaarad kasta oo hawda soo maraysana ay iyadu la xisaabtanto, taana waxaan aaminsanahay haddii ay sidaa ku sii socoto oo ay ka dayn waayaan goobtahanyadda ay marinayaan in wadda hadal iyo isfaham lagu dhameeyo sidii hawadda qorshe midaysan looga yeelan lahaa inta xal kale la helaayo, waxay ku qasban tahay Somaliland 2017 – 2018 in qalab dhamaystiran oo ay hawadeeda ku maamulato qorsheeda ku talo-galka uu ku jiraa”, sidaa waxa yidhi Wasiir Farxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.