Sheekh Dirir: “Ummadaha marka la qabsanayo dalalkooda iyo duunyadood Caqliga lagaga soo duulaa oo Maandooriye lagu sii daayaa..”

Hargeysa – (warsoor) – Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa uga digay bulshada sixroolayaasha, soona jeediyey in awooda lagu isticmaalayo qolyaha argagaxisada loo adeegsado sixroolayaasha, iyagaa argagxiso dhab ahe, qofka marka loo sheego ee looga digo haduu isticmaalo diinta wuu kaga baxayaa.

Khudbad Jimcaha maanta Sh Maxamed  ayaa sheegay in hore looga soo hadlay Ilaalinta Nafta &  Sharafta, maantana Ilaalinta Caqliga, hadday tahay caqliga qofka iyo caqliga ummada Islaamka. Saddex arrimood ayeynu midba waxyar ka taaban doonaa, “Ta koowad, darajada Caqliga ku leeyahay Islaamka dhexdiisa, miisaanka Islaamku u yeelay iyo siduu u qiimeeyey. Arrinka labaad, waxyaabaha Caqliga khatarta geliya ee Islaamku inna faray inaynu ka ilaalino. Arrinka saddexaad, waxyaalaha lagu ilaaliyo Caqliga Muslimka xalkeeda.

Diinta Islaamku derejo weyn ayey siisay Caqliga, waa miqyaaska loo eego qofka marka xil la saarayo, shuruuda qofka lagula xisaabtamayo marka xil la saarayo waa inuu Caqli iyo Garaad leeyahay, oo miyir qabo, wax garanayo. Siduu doono qofku jidhka ha ugu xoog badnaado, haduu Caqli la’yahay, xil looma dhiibo, mana tashado waa loo taliyaa, sidaa ayuu Caqligu ku noqday nicmooyinka Ilaahay SW bixiyo kuwa ugu sarreeya. Ilaahay SW isagoo inoogu manno sheeganaya, waxuu yidhi, “Waxaad dhalateen idinkoo waxba maqlay, waxba arkayn, oo garanayn, intaba Ilaahay SW ayaa idiin dhamaystiray, Ilaahay SW inaad u mahadnaqdaan ayaad mudan tihiin.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Islaamku Caqliga ku daray shanta waxyaalood ee Diimaha oo dhan u yimaadeen inay dadka u ilaaliyaan, waxaanu yidhi, “Arrinka labaad ee Islaamku waxuu ku qiimeeyey Caqliga, Ilaahay SW aad ayuu uga digay, Rasuulkuna CS aad ayuu ugu sharxay axaadiista. Arrimaha Ilaahay SW diiday waxa ugu horeeya khamriga, waxaanu idhi ka durka, si aad u liibaantaan. Hadii dadku bilaa caqli isu baxaan liibaan aduun iyo mid aakhiro ma jirayso.

Arrinka saddexaad, Caqligu inuu daliilka raaco ayuu sharcigu faray, iskana ilaaliyo waxii ka durugsan, sida daba-socodka indho-la’aanta ah, khuraafaadka, dadka jahliga ku sifaysan oo qofku daba galo. Ilaahay SW waxuu eedeeyey gaaladii Carbeed ee odhan jiray waxaan dhaqankan ka soo gaadhnay Aabayaasheen, oo waa caado, oo ma khilaafayno.  

Siyaabaha Islaamku Caqliga u qiimeeyey waxa ka mid ah, waxuu ugu yeedhay inaynu Caqligeena ku eegno, ku fahamno oo kaga faa’iidaysano Aayadaha Kawniga iyo kuwa Qur’aaniga, waxa lagu fahmaaa Caqliga, ummadana looga faa’iidaynayaa. Ilaahay SW aad ayuu Quraanka inoogu celcelinayaa “Duruus iyo cilmi ayaa ugu sugan Cir iyo Dhul-ba kuwa Caqliga leh.”

Islaamku aad ayuu ugu dedaalay Caqliga, waxuu inna faray inaynu cilmiga korodhsano, si Caqliguna u kobco. Waa shayga keliya ee Ilaahay SW Rasuulka CS faray inuu baryo “Waxaad tidhaahdaa Ilaahow cilmiga ii kordhi”. Rasuulku CS qof kastoo muslim ah waxuu faray inuu cilmiga barto, xadiis saxiix ah “Qof kasta inuu barto cilmiga samaawiga wax kaga ansaxayaan waa faral”

Caqliga keligii islaamku waxuu xusay inuu nuqsaan yeelan karo, sidaa daraadeed, waxuu faray in Cuquusha la isku daro, si ay isugu tagaan oo u weynaadaan, oo wax waafi ah u soo saaraan, la isku celceliyey. Ilaahay SW waxuu inna faray wadatashiga. Wadatashiga waxa la yidhaahdaa si cuquusha loo kobciyo, caqliyo badana isugu yimaadaan, Ilaahay SW wuu ku amaanay Muslimiinta inay wada tashadaan, Rasuulku CS isagoo waxyi ku soo degayo, ayuu waxii aan waxyi ku soo degin saxaabada, rag iyo dumar-ba kala tashan jiray, sida marar arrin xaasaskiisu soo jeediyeen uu qaatay, ummadiina xal u noqday, sida Umu Salama.

Casrigan aynu joogno Culimada Islaamku marka ay xalinayaan masalooyinka cusub ee casrigan soo kordhay fiqiga iyo axkaamta, qof keliya ma ijtihaado, ee ijtihaad jamaaci ah ayaa la soo saaraa.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey waxyaalaha Caqliga fasahaadiya ayaa sheegay Caqliga markuu Islaamku inoo ilaalinayey waxuu inna faray inaynu ka ilaalino waxii waalaya, “sida mukhadaraadka, ama maandooriyaha mid qoyan iyo mid qalalan intaba, mid la cabayo, ama la urusanayo ama noocu doonayo ha ahaadee. Nebigu NNKH xadiis saxiix ah waxuu ku sheegay “Wax kastoo Caqliga dooriya waa khamri, wax kastoo caqliga dooriya waa xaraam” waxa soo gelaya wax kastoo Caqliga dooriya, tubaako, qaad, khamri, daroogada noocyadeeda kala duwan dhamaan qaacidada ayaa la siinayaa. Marka baadhitaan cilmi ah lagu sameeyo, waaqicigana lagu eego, maanka dadka wax ma u dhimaa, haba yaraatee dadka qaarkood, hadii laga helo shaygaasi waxuu noqonayaa jariimad iyo dembi, taasoo Islaamku ka duulayo sidii Caqliga loo ilaalin lahaa.

Arrinka labaad oo soo badanaya, dadka qaarkood diintaa celisa, dadka qaarkoodna awooda xukuumadeed ayaa celiya, marka la waayo cid wax ka celisa, caqligoodana xukumi waayo waxaasi hore ayuu u socda, ka dibna marka ummadaha la qabsanayo dalalkooda iyo duunyadood Caqligooda lagu duulaa oo maandooriyaha lagu sii daayaa, sidii Shiinaha markii reer Galbeedku weerarayeen mukhadaraadka loo adeegsaday.  

Waxyaalaha Caqliga fasahaadiya ee laga ilaalinayo waxa ka mid ah khurafaadka sixirka iyo waxa isticmaalaan ee la aamino ee dadka maankooda lagu dooriyo. Sixirku markuu ummad soo dhexgalo waxuu tilmaamayaa inay diintii ka durkeen. Reer Banu Israa’iil ayuu Ilaahay SW ka waramay, markii ay diintii tureen inay ku bedesheen “Sixirkii ayey dadka barayeen” kaa soo qaadashadiisu sheegayso diin la’aan, ka adeegsanaya, ka u tegaya, ka caadaysanaya, iyo ka macaashka ka helayba intaba, casrigana way badan yihiin, waxa qoysas badan kala eryaya waa sixirka, jaarka isku diraya, shuraako badan kala eryaya, xigtada isku diraya. Dad sixroolayaal ah ayaa awliyo loo haystaa oo itaal iyo awood dad ka dayeen, kuna warwareegayaan oo aduun badan ku baxaa. Caqligeeni oo dhoofaya ayeynu aduun ku iibsanaynaa. Dadkaa sixroolayaashu way soo badanayaan, waana dariiqo ay ku shaqeystaan, waana wax u baahan hadday Alle ka cabsi ka tageen oo iimaan beeleen, ilayn wuu gaaloobayaaye, talaabo ayey u baahan yihiin in laga qaado, oo xukun lagu fuliyo inta la daba galo. Awooda lagu isticmaalayo qolyaha argagaxisada waa in loo adeegsado sixroolayaasha, iyagaa argagxiso dhab ahe. Ilaahay SW ayaa tilmaamay in ummadu marka ay waxyaalaha isticmaalayaan in liibaan ka dheer tahay “Meel kastoo uu istaago ma liibaano sixirle, isaga iyo dadka u tagaaba, Ilaahay SW ayaa lagaga gaaloobayaa. Qofka marka loo sheego ee looga digo haduu isticmaalo diinta wuu kaga baxayaa.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey Khataraha Caqliga ayaa sheegay inay ka mid yihiin duulimaadka Caqliga waxyaalaha la yidhaahdo, ama dadkoo Caqliga laga xado,

“hadday madax yihiin ama raciyad ama dhaliyaro, qofkoo isa-saluuga ama is-waaya oo kalsoonidiisa qof kale siiya, dalkiisa, diintiisa, dadkiisa kuma kalsoona, meel kale ayuu u aftaagayaa, eegayaa oo arrin bidayaa, weliba shisheeye, wa anasiibdarro aad iyo aad u weyn, waa qofkii ama ummadoo nafahooda ku kalsoonaan waayey, taasina waa midka ay aad ugu dedaalaan nimankii dadka gumaysan jiray, markii ay ka tageena lug ku soo fidiyey. Nebigu NNKH wuu inooga digayaa, ka horna Quraanka inooga digay, Ilaahay SW waxuu yidhi, “Weligood dagaal ayey idinku wadayaan, si ay diinta idiinka saaraan, hadday karaan” ilaahay wuu idiinka ilaalinayaa, idinkuna iska ilaaliya. Ilaahay SW waxuu yidhi “Marnaba Yuhuud iyo Nasaaro inay kaa raali noqdaan ha eegina, ilaa aad diintooda raacdo” tanaasul kasta same. Nebigu NNKH isagoo inooga digaya waxuu yidhi, “Yuhuuda iyo Nasaarida waad dabagelaysaan, taakada ay qaadaan, meesha ay galaan iyo godka kasta waad ka daba gelaysaan” waa taa aynu arkayno maanta wax walba xagooda, halkii Ilaahay SW  la eegi lahaa, iyagaa la eegayaa, da’yarteenii waa kuwaa Caqligii laga xaday. Baraha bulshada waxa ku jira qolyo fikirkooda badinaya oo la yidhaahdo Tansiiq, dadkoo diinta kiristaanka loogu yeedho, iyadoo aduunyo iyo afkaar kala duwan la isticmaalayo, xayeysiis. Waxa ka mid ah Calmaaniyada waxa la yidhaahdo, oo dadka laga dhaadhiciyo in diinta iyo dawladnimada la kala saaro, wax aka mid ah Ibaaxiyada, dadka odhanaya wax walba waa mubaax, ereyga xorriyad aad loogu celceliyo. Dadku xaq ayey u leeyahiin inay xor noqdaan, laakiin waa inaan xuduuda sharciga la dhaafin. Waxa ka mid ah Ilxaadka, Mulxidnimada waxa la yidhaahdo, way soo badanayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo weliba aqoonyahan sheeganaya oo Master ama PHD sita oo diinta islaamka ka baxay, baa jira oo ku doodaya Ilxaadka? Ilxaadka maxaad ka taqaana waa Ilaahay oo la yidhaahdo I tus oo I taabsii? Waa tii shuuciyada oo xaga kale loo dhigay oo dhinaca Galbeedka innaga timi, qofkii aqoon ayuu is-bidayaa, caqli baan leeyahay ayuu ku doodayaa, Ilaahay baabu haysaa, Ilaahay SW maxuu sidan u yidhi? Miyaanu dadka ka gardarnayn? Quraankii buu durayaa? Markaa Ilxaadku waa wax soo badanaya oo weliba baraha bulshada dhaliyarada ku duufsan karaan, loona baahan yahay in laga digtoodaado.

Siyaalaha Caqliga loogu soo duulay wax aka mid ah Firaqu-daala, qolyo Islaam sheeganaya, laakiin way wadaan baadi tahay khawaarijta, shiicada, Quraaniyiinta, qolyo sheega inay Quraanka keliya adeegsanayaan, axaadiista Nebiga NNKH diida, waayo Nebigu bashar ayuu ahaa innaguna bani’aadam ayeynu nahay, marka Ilaahay SW ayaa inoo dhex ah Rasuulada CS innaga jooja? Daaqada ayey ka tuurayaan xadiiska Rasuulka CS oo diinta badhkeed ah, qolahaasi way soo badanayaan, mid walba waxuu u baahan yahay muxaadaro iyo sharax dheer wadooyinka ay maraan oo aad loo akhriyo, loogana digtoonaado.

“Xanta, Ceebaynta iyo Cayda, sidii Gacan-ku-dhiiglaha aynu u nacnay, waa inaynu Carab-ku-dhiiglahana u nacno..” Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir.

Hargeysa – (wrasoor) – Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ku baraarujiyey in dadkii hore saalixiyiintu ilaashan jireen diintooda iyo ajarka camalka ay sameeyaan inka badan inta aynu ilaashano aduunyada aynu haysano, loona baahan yahay ku deyashadooda.

Khudbadii Jimcaha maanta oo Sheekh Maxamed kaga hadlay halista xadgudubka sharafta iyo cirdiga qofka Muslimka, taasoo dadka qaarkood u haystaan waxyar in qofka sharaftiisa lagu xadgudbo. Waxaynu tafaasiil ka bixin doonaa mowqifka sharcigu ka taagan yaha iyo daliilada ku soo arooray iyo dadkii wanaagsanaa ee innaga horeeyey siday ahaayeen,

“Marka u hore nusuus badan ayaa ku soo aroortay oo ka digaysa qofku inaanu ku xadgudbin sharafta dadka, iyo sida loogu baahan yahay in qofku ilaaliyo carabkiisa. Carabka oo ka mid ah nicmooyinka Ilaahay SW bixiyey kuwa ugu waaweyn, Ilaahay-na SW inoogu manno sheegtay, “Miyaanan idiin siin Carab, Laba-dibnood io Laba Indhood”. Bal waxaad ka warantaa qofka hadalku iska taagay, ee doonaya inuu wax cabiro, ee waxba kuu sheegi kari la’, waxaad sawirataa qofka waxba dhadhamin kari la’ macaan iyo qadhaadh, nimcooyinka  Carabka ee Ilaahay SW inoogu manno sheeganayo ayuu ku jiraa, laakiin, culayskiisu wuu yaryahay, halistiisuna wa weyn tahay, dembi weyn iyo ajar weyn labadaba Carabkuu ka yimaadaa. Markaa arrinka aynu aad u adkeynayno, sida Diinteenu innagu waaninayso ilaalinta Carabka weeye.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in dadku dareemaan in waxa ay ku hadlayaan habeen iyo maalin ay yihiin wax qoran Ilaahay SW agtiisa, maalinna laguu soo bandhigi doono. Sida Ilaahay SW inoo sheegay, “Qofku waxuu ku hadlayo malaa’ig ayaa qoraysa” adigu hadaad wax kale ka shaqenaysay, isaguna hadalkaaga ayuu qorayaa.

“Ilaahay waxuu ka digay qofka dadka isha iyo afka ka xamanaya, “Halaag waxa leh qofka dadka isha iyo afka ka xamanaya” qofka dadka xamanaya, iskuna diraya iyo in la isku dheeldheelo ayuu Ilaahay SW ka digay.

Nebi Maxamed NNKH ummada iyo asxaabta ayuu waaniyey, waanno dheer oo wax-sheegnimo ku jirto, markaa ayey saxaabadii yidhaahdeen, Rasuul Allow ‘miyaa naloo qabanayaa waxaan ku hadlayno? Markaa ayuu Nebigu NNKH ku yidhi “Dadka waxa afgembi naarta ugu ridaya waxa u sabab ah Carabkoodu waxuu u keenay, ee xumaan uu ku geystay”. Nebigu NNKH isagoo ummadiisa la doonaya inay Jannada galaan ayuu u sheegaya fursadii ay ku gaadhi lahaayeen, sida macnahii xadiisku ahaa “Qofkii ii damaanad qaada inuu afkiisa xaaraanta ka hayo, ibtiisana sinnada, waxaan u ballanqaadayaa Jannada”.

Asxaabigii Sufyaan ibnu cabdillahi a saqafi su’aal qiimo leh ayuu Rasuulka CSW inoo weydiiyey, waxuu yidhi ‘Ii sheeg shaygaad aad iigu cabsi badan tahay, si aan isaga ilaaliyo’  waxuu Rasuulku CSW ugu jawaabay “Carabka” iska ilaali. Waxaad ku badbaadaysaa hadalka intaanad odhanin inaad miisaanto, afar qeybood kuu yahay, ma shar baa, ma khayr baa, ma bilaa micnaa, ma labaduu isugu jiraa. Hadalku intaa kama baxo, ama waa shar ama khayr, saddex iskaga tag, waxii shar ah, waxii shar iyo kheyr isugu jira iyo waxii bilaa macno ah, keliya dooro waxii kheyr ah. Rasuulku CSW waxuu inoo tilmaamay “Qofka Ilaahay SW iyo aakhiro rumeeyey kheyr ku hadal ama iska aamus” imaamu Nawawi markuu sharxayo waxuu yidhi, taasi waxay ku suurtoobaysaa horta qofku intaanu hadlin uu miisaamo waxuu odhan doono, kana fiirsado, laakiin aanu afka sii deynin.

Sheekh Maxamed ayaa ku baraarujiyey ummada in Nebigu NNKH ehelkiisa iyo asxaabtaba uga digi jira waxa xanta la yidhaahdo io in Carabka la sii daayo, cidna uguma dulqaadan jirin, ee halkeeda ayuu ku joojin jiray, waana mid mudan inaynu kaga deyano.

“Nebiga NNKH xaasaskiisi mid ka mid ah ayaa tidhi ‘safiya waxa kaaga filan inay sidaa tahay’ iyadoo ujeeda xaas kaloo Nebigu qabay,(qolaha taariikhud waxay xusaan way gaaban tahay keliya ayey tidhi), Rasuulku CSW wuu joojiyey oo waxuu yidhi, “Kelmadaa hadii badda lagu dari lahaa, way bedeli lahayd” (ma urteedaa, ma dhiigeedaa) waxay tahayba. Rasuulku CSW ummada markuu dardaaranka u jeedinayey, ugana digayey dulmiga ay gelayaan, ma ahayn dhiigooda la daadinayo keliya, balse cirdiga iyo sharaftoodana wuu kala hadlay.

Haddayno camal badan samaynayno, balse ummada aynu Carabka la dhacano ka deyn weyno, waxeenu waxay noqonayaan foosto gun la’ oo aynu dhaaminayno. Nin baa Nebiga NNKH u yimi, waa tusaale cajiib ah, laba dumar ah ayuu uga warbixiyey, waxuu yidhi heblaayo soon badan iyo saddaqo badan way bixisaa, laakiin jaarkeeda ayey ku dhib badan tahay oo carabkeeda laga fadhiyi la’ yahay, “Naarta ayey ku jiraa” Ilaahay baynu ka magan galnee, ayuu Nebigu NNKH yidhi.

Heblaayana soon badan iyo saddaqo badan ma samaysee, laakiin jaarkeeda ka nabadgalay, “Jannada ayey gelaysaa” Ilaahay hoy ha inooga dhigee, ayuu Nebigu NNKH yidhi.

Waxa muhiim ah in waxa aynu qabanayno wax badan aynu eegno, sida dadkii innaga horeeyey inbadan ay u ilaalin jireen carabkooda, hadalka iyo kelmada ka soo baxaysa. Siyaabaha ay isku ilaalin jireen waxa ka mid ah dadka belaayooyinka iyo xanta ku gelaya way ka warwareegi jireen inay la kulmaan. Caalimkii weynaa Ibraahim a Naqaci ayaa wax u sheegaya inantii shaaqiyada guriga u ilaalinaysay, ee hadba qofka u yimaada u sheegaysay, markaa waxuu ku yidhi ‘marka hebelkaasi kuu yimaado waxaad tidhaahdaa, masaajidka ka raadi dheh, laakiin ha odhanin halkan ma joogo, ilayn waan joogaaye’ waa dariiqo uu kaga dabaalanayo qofka dembiga u soo jiidi kara.

Waxyaabaha ay iskaga ilaalin jireen Carabka wax ka mid ah iyagoo koobi jiray hadalkooda, aamuska iyo urursanaanta way ku dedaali jireen, oo hadalkan faraha badan ee aynu ku xiiqayno may lahayn. Waxuu lahaa imaamkii Xasan ibnul bashaar muddo soddon sannadood kuma hadlin hadal kelifi kara inaan cudurdaar ka bixiyo. Innagana hadalkeenii markuu batay ee qofkii dhacdhaciisa lagu qabsado, six un wax u sheeg sixir ka daran, sidaa umaan jeedin; hadalku waa mergi, si khalad ah ayaa loo fasiray, markale raali iga ahaada, waxaa oo dhan wax aka yeedhsiinaya waxa weeye dadkii oo hadalka ay odhanayaan aan ka fiirsanayn.

Imaamkii Bishruk ibnu mansuur la odhan jiray waxuu lahaa, isagoo dadka ku waaninaya hadal yaraanta ‘maanta oo dhan waxaan ku hadlay hadaan is idhaado dib u soo tiri waan tirin karaa’ bal innagu ma tirin karnaa 12 saacadood la soo dhaafay waxii aynu ku hadalnay, wax la garan karo maaha tiradooda? Taasi waxay tilmaamaysaa inaynaan xukumin waxa afkeena ka soo baxaya. Waxay ahaayeen dad u arkayey qofka iyaga xumaynaya ama xamanaya inay ka faa’iidaysanayaan, hadii ay iyagu wax xantaana iyaga laga faa’iidaysanayo. Diintooda iyo ajarkooda ayey ilaashanayeen, in ka badan aduunka inta aynu ilaashano innagu.

Imaamkii Carbdiraxmaan ibnu wahbi ayaa yidhi, hadii aanan karaahiyeysanayn in Ilaahay SW la caasiyo, casrigan dadka jooga inay I xantaan ayaan jeclaan lahaa, maxaa ka wanaagsan kitaabkaaga oo maalinta qiyaame uu ka soo baxo camal aanad samaynin adiguna aanad ogeyn. Xassanul basri, taabicigaa ayaa la yidhi hebel baa ku xanta oo xantaada badiya, wuu u fiirsaday oo inay jirto ayuu ogaaday, wuxuu u hadyadeeyey madiibad weyn oo timir ah, wuxuu yidhi u sheega ‘waxaan uga cudurdaaranayaa, waxuu I siiyey iyo waxaan siiyey inaanay isku mid ahayn, isagu ajarkiisi ayuu I siiyey, anniguse aduun kooban ayaan siiyee, ha iga raali ahaado’.

Sheekh Maxamed oo tafaasiil ka bixinayey akhlaaqdii dadkii wanaagsanaa ayaa sheegay inay u arkayeen carabka oo la sii daayo inuu keen ur iyo arag xumo,

“Nin salafkii ka mid ah ayaa saaxiibkii waxuu ku yidhi, wakhtigii Rasuulka CSW waxa la dareemi jiray xantu urta ay leedahay iyo macsiyadu arag xumida ay leedahay. Imika dadkii maxaa ku dhacay ayuu yidhi, markaa ayuu ugu jawaabay sankii ayaa ka buuxsamay markii urtii iyo xumaantoodii  ay badatay, laakiin dadkii saalaxiinta ahaa Nebi Maxamed NNKH iyo saxaabadii wacnayd iyaga waxan ayaa ku yaraa oo wuu u soo urayey.

Waxyaalaha ay ku yarayn jireen halista Carabka dadkii saalaxiinta ahaa oo sheekh Maxamed ka hadlay ayaa yidhi,

“Cumar ibnu Cabdicasiis ilaahay ha u naxariistii, Madaxweynahii Muslimiinta ee Caadilka ahaa ayuu nin u yimi oo u sheegay in ninka hebel la yidhaahdo wuu ku xantaa, wuu ku yidhi, soo fadhiiso, saddex arrimood kala dooro in arrinkaa marka baadhitaan lagu sameeyo uu been noqdo, oo markaa aad faasiq noqotid, sida Ilaahay SW aayad inoogu sheegay “Hadii faasiq war idiin keeno iska hubiya”, in marka arrinkaa baadhitaan lagu sameeyo uu run noqdo, waxaad soo geli doonaa sida Ilaahay SW aayad kale ku sheegay “ka ilaahay ku ceebeeyey inuu dadka isku diro” arrinka saddexaadna waa in layska kaa cafiyo,? Oo ceebta iyo isku dirka mu’miniinta aanad dib ugu noqon, ninkii ayaa cafiskii dalbaday.

Markaa waxaynu leenahay xanta, ceebaynta iyo cayda, sidii gacan-ku-dhiiglaha aynu u nacnay, waa inaynu carab-ku-dhiiglahana u nacno . Ilaahay ceebaheena ha asturo, camalkeenana ha wanajiyo, amin

Attachments area

Shirkii Culimadda Soomaaliyeed oo La Soo Gabo-gabeeyey Kambaala

Yugaandha – (warsoor) – Waxaa Isniintii magaalo madaxda Yugaandha ee Kambaala lagu soo gabo-gabeeyey shir muddo 5 maalmood ah uga socday culimadda Soomaaliyeen.

Shirkan ayaa lagaga hadlay iibka xalaasha ah iyo Ribadda. Shirkan waxaa ka soo qayb-galo qaar ka mid ah culimada ugu magaca weyn leh gayiga Soomaalidu tagno.

Shirkan ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa laga soo saaray bayaan lagu cambaareynayo falkii ismiidaaminta ah ee ka dhacay magaalada Muqidho 28 December ee ay ku dhingteen dad lagu qiyaashay 100 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 120 qof.

Sheekh DIRIR: Diinta Islaamku way Mamnuucday u Dabaaldega Sannadka cusub ee Gaalada

Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha maanta kaga hadlay ciidaha Gaalada iyo waxa shareecada Islaamku ka qabto ayaa ku bilaabay, Waxaynu ka hadlaynaa Ciidaha Gaalada, ayaamahan aynu joogno waa maalmahii Gaaladu Ciidahooda u xafladeynayeen, doraad waxaynu soo dhaafnay 25-kii, oo ay yidhaahdaan waa maalintii Nebi Ciise CS dhashay iyo sannadkoodii cusbaa, oo maalmo ka dib ku began. Waxyar waxaynu ka xusaynaa taariikhda ay leeyahiin, shareecadeenu waxay ka qabto ama daliilada diidaya iyo xikmada loo diiday.

“Ugu horeyn taariikhda 25-ka Dec ee ay yidhaahdeen Nebi Ciise CS ayaa dhashay maaha xaqiiqo jirta. Sida nimanka taariikhyahanadoodu ay sheegaan, bishii iyo wakhtigii uu Ciise dhashay midna maaha ayey kutubtooda taariikhda ku sheegeen qofkii akhriya. Iska daa inay tahee, waxa la sheegay inuu ahaa sannadkii afar-boqolaad ee taariikhda Miilaadiga inay sheegaan inuu taariikhdan dhashay Nebi Ciise CS. Waxay kaloo sheegeen in ciidan laga soo qaatay nimankii dab-caabudka ee reer Faaris. Arrinta Geedka Kiristaanka faraaryaha leh ee Gaaladu samaystaan, iyana waa arrin ay nimankii dab-caabudka ka soo qaateen.” Ayuu yidhi sheekh Maxamed, isagoo ka sii hadlaya sannadka cusub iyo taariikhdiisa waxuu yidhi, “Marka la eego sannadka cusub, isaguna Miilaadi maaha, isaguna waxay ahayd taariikh ay  nimankii Giriiga iyo kuwii Dab-caabudka lahaayeen, ee mid Nebi Ciise CS dhashay ma ahayn. Waxyaalaha la yaabka badan ee ka turjumaya khuraafaadka ay aaminsan yihiin Gaaladu ciidan waxa ka mid ah cabitaanka Khamriga, oo habeenkaa sannadka cusub dhalanaya la badiyo cabitaankiisa, sidoo kale hadii guryaha la nadiifiyo dheeftii wanaagsanayd ayaa raacaysa ayey yidhaahdaan, markaa waa in dhasku iska joogo, iyo waxyaalo kale, markaa waxa muuqanaya in taariikhdu aanay sax ahayn.

Sheekh Maxamed oo faahfaahin ka bixinayey waxa shareecada Islaamku ka qabto ayaa yidhi  ugu horeyn Islaamka waxa loo diiday inay gacaltooyo la sameeyaan Gaalada, ama la dabaaldegto oo la faraxdo ciidahooda, waxaanu yidhi, “Ilaahay baa  Quraanka inoogu sheegay, “Yahuuda iyo Nasaarada gacal haka dhiganina, iyagaa gacal iyo xigto isku ah, qofka idinka mid ah ee gacaltooyo la yeesha iyaguu ka mid yahay. Waxa kaloo shareecadeena la inoogu diiday inaynu Gaalada isku ekeysiino, waxii diin ah, dhaqan ah, akhlaaq ah, farxadaha noocaas oo kale ah, sida Ilaahay Quraanka inoogu sheegay ‘Dariiqooda ha marina kuwa Ilaahay dembiga ka galay qofka muslimka ahow’. Rasuulkuna NNKH waxuu yidhi “Qofka qolo isku ekeysiiya, iyaguu ka mid yahay”. Waxa kaloo Rasuulku CS ku celcelin jiray in la khilaafo qolyaha Gaalada. Waxa kaloo culimadu ku fasireen marka Ilaahay ka hadlayey ‘Ma tagaan Suurka” waa ciidaha Gaalada.

Waxa sharciga Islaamku inna faray inaynu gooni ka noqono, oo aynaan ku darsamin. Sidaa daraadeed Nebigu NNKH waxuu magaalada Madiina tegay iyagoo laba ciidood leh, mid Neyruush la yidhaahdo iyo mid Mehrajaan la yidhaahdo, markuu weydiiyey waxay yidhaahdeen waan dabaaldegaa, Rasuulku NNKH waxuu ku yidhi ‘Labadaa iska dhaafa, lab aka kheyr badan ayuu Ilaahay idiinku bedelay Ciidul-FITRI iyo Ciidul-ADXAA, oo wuu ka joojiyey Nebigu NNKH ummadii Islaamka. Sidaa darted innagu ciidaheena ayeynu dabaaldegaynaa, oo wwaxii sharcigu inoo ogol yahay ku xusayna.

Waxa kaloo innaga la inoo diiday aqbalaada hadyadahooda, innagoo ku weynaynayna, culimaduna intooda badan waxay u arkaan maalmahaa in hadyadahooda la aqbalo karaahiyo. Tahniyada maalinta sannadka cusub ayaa iyadana la diiday, maadama ay tilmaamayso inaad shaygan ku faraxsan tahay, qofkana ku akidayso, waxa uu ku socdaana sax maaha ee waa baadil, in lagu hambalyeeyo sax maaha.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Culimada Islaamku  isku waafaqsan yihiin inay xaaraan tahay isu-ekeysiinta  nimanka gaalada  iyo in ciidahooda la xaadiro. Asxaabtiina hormood ayey ka ahaayeen, waxaanu yidhi, “Saxaabigii Cabdilaahi ibnu Camr ayaa yidhi ‘Qofka maalgashada ee dhisa wadamadda Gaalada, ciidahoodana la xusa, iyagana isku ekeysiiya, sidaana u noolaada ilaa geeridiisa, aakhiro iyaga (gaalada) ayaa lala sooxaadiriyaa’. Cumar binu Khadaab RC isaguna waxuu yidhi, ‘Maalinta ay xafladeynayaan Gaalada macbadyadooda iyo Kiniisadahooda ha ugu tegina, waxa ku soo degaysa Cadho Alle’ intaasi waa xukumkii sharciga ahaa iyo daliiladii ku soo arooray iyo mowqifka asxaabtii iyo muslimiintu iska taageen.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey xikmada loo diiday ka qeybgalka iyo la wadaaga ciidaha Gaalada ayaa sheegay in hadaad shay u xafladeyso muujinayso inaad jeceshahay, waxaanu yidhi, “Gaal iyo Gaalnimadiisa inaad u xafladeyso oo ku taageerto una dabaaldegto waxay sheegaysaa inaad jeclaatay Gaalnimadiisa, taasina waa xaaraan. Arrinta labaad waa inuu fasaadku ku badan yahay, iyo wax badan oo macaasi Ilaahay ka cadhaysiinaya, sida khamriga iyo caadooyin gaalnimmo kala noocnooc ah, sinno aan laga waayeyn iyo hordhaceeda. Arrinka saddexaad ee loo diiday waa xaflado ka turjumaya diimo baadil ah, diin baadil ahna muslimiintu way ka durkaane, kama ag dhowaadaan. Arrinta afaraad waa abtirsiimada ummada Islaamka oo in iyaga lagu deydo mooyee, aanay cid kale ku deyan Karin, waa tii taariikhda Hijriyada la qorayey Cumar binu Khadaab u diiday in taariikhda Miilaadiga la qaato, xitaa markii Eedaanka la soo rogay dawanka la garaaco iyo carooga Yuhuudu isticmaasho waxuu Rasuulku NNKH uga tegay inaan diimaha Gaalada lagu deyan. Arrinka shanaad, caruurteenii ayaa innagu deyanaya, aabayaasheen iyo hooyooyinkeen way xusi jireen, iyaguna way innagu deyanayaan. Arrinka lixaad ee xikmada loo diiday waa iyaguba Gaaladu intay ciidaha FITRIGA iyo ADXAA inoo yimaadaan inooma camiraan, oo kuma farxaan, xitaa intay awoodi karaan dadka way ku nacaan, oo ku karaahiyeystaan, maxaa iyagana u diiday, adigana ku daba geliyey, adigoo diintaadu xaq tahay. Lixdaa arrimood waa kuwo innagu qancinaya inaynu iskaga hadhno, nacasnimmo weyna waxa noqonaya in da’yartu iyo reer magaalku u arkaan waxii Gaalo ka yimaada ilbaxnimmo u arkaan ciidahii Kiniisadaha iyo Gaalada, waa nasiibdarro, sidaa darted waxaynu dhiirigelinaynaa, mujtamaceenana u sheegaynaa da’ yarta iyo dibeda jaaliyadaha ku nool iyo dadka mulkiilayaasha hudheelada, mowqifkii sharcigu waa kaase, ninkii diintiisa ku dhaqmaya, waa inuu ilaaliyo, oo tixgeliyo, isagoo Ilaahay ugu dhowaanaya, munkarkana iska daayo, Ilaahay ha inna waafajiyo dhamaanteen, aamiin.

“Alle ka cabsiga waa inaynu nafaheena, caruurteena iyo bulshadeena ku tarbiyadeyno..” Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir.

Hargeysa – (warsoor) – Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa ugu baaqay bulshada in kelmada Alle ka cabsigu tahay kelmad Ilaahay SW uu faray Gaal iyo Islaam-ba sida aayad quraanka kariimka Ilaahay SW inoogu sheegay ‘Dadyahow Ilaahay SW ka cabsada.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey khudbadii Jimcaha maanta oo ku saabsanayd muhiimada Alle ka cabsiga ayaa sheegay in loo baahan yahay ogaanshiyaha macnaha Alle ka cabsiga, mudnaanta uu ku leeyahay sharciga iyo midhaha laga goosanayo, waxaanu yidhi, “Tilmaanta ay taqwadu, ama Alle ka cabsigu leedahay, asxaabtu way isku dayeen Ilaahay SW haka raali noqdee, inay inoo fasiraan, Cali binu Abi daalib RC, isagoo inoo fasiraya macnaha Taqwada ayaa yidhi ‘Taqwadu waa Ilaahay SW oo qalbigaaga ku weyn, kuna camal-falaya waxyiga uu soo dejiyey, una diyaargarooba maalinta Qiyaamaha. Saddexdaa arrin haduu qofku sameeyo Alle ka cabsigii waa laga helay.

Cabdillahi ibnu Mascuud RC, asxaabigii weynaa oo sharxaya Alle ka cabsiga ayaa yidhi ‘Waa in Ilaahay SW la aqbalo la adeeco  oon la caasiyin., in la xusuusnaado oo qalbigaaga aanay ka bixin iyo nimcadiisa faraha bdan oon laga gaaloobin.  

Xasan al Basri, oo ah raggii asxaabta cilmiga ka hirqaday ee xikmadaha badnaa oo fasiraad ka bixinaya Alle ka cabsiga ayaa yidhi, ‘Dadka Ilaahay SW ka cabsada waa kuwa ka feejignaada waxii Ilaahay SW ka xaaraantimeeyey, ee si wanaagsan ula yimaada waxuu ku waajibiyey.

Cumar binu Cabdicasiis RC waxuu yidhi Taqwadu maaha habeenkii in la cibaadaysto, maalintiina la soomo, inta ka dhexeysana xaaraanta aad walaaqato, maaha qofku inuu marna dhinacan ahaado marna ka dhaco, ee waa inuu ku toosnaado waddada alle.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in marka la soo uruuriyo macnaha Taqwada ay noqonayso in layska riixo cadaab Ilaahay SW, laguna riixo daacada iyo cibaadada, kana riixo naftiisa, isagoo doonaya raali-ahaanshaha Ilaahay SW.

Mar uu ka hadlayey ahmiyada Alle ka cabsiga iyo martabada ay shareecada Islaamku ku sifaysay Sheekh Maxamed ayaa yidhi kalmada Taqwadu waa kalmada Ikhlaaska, “Kalmada Taqwada waxa lagala mid dhigay kalmada Ikhlaaska oo macnaheedu yahay cabsida. Qofka kelmadan ku dhawaaqa marka ay ka dhab tahay waxay keensanaysaa inuu Ilaahay SW ka cabsaday.

Nebi maxamed NNKH iyo asxaabtiisi waxay ku adkaysteen, Ilaahay SW u sahlay kelmada Alle ka cabsiga, oo ku hdawaaqeen, kuna noolaayeen.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in kelmada Alle ka cabsigu tahay kelmad Ilaahay SW uu faray Gaal iyo Islaam-ba sida aayad quraanka kariimka Ilaahay SW inoogu sheegay ‘Dadyahow Ilaahay SW ka cabsada.

Kelmada Alle ka cabsiga miisaankeeda iyo inaan la dhaafi Karin waxa inoo iftiiminaya Nebi walba CS ama Rasuul walba CS markuu ummadiisa u yimaado waa halkuu casharka uga bilaabayey, sida Ilaahay SW aayad quraanka inoogu sheegay ‘idinka iyo ummadahii idiinka horeeyey ee kutubta la siiyey Alle ka cabsiga ayaa la farayey, wax cidna laga dhaafay ma ahayn’.

Miisaanka Alle ka cabsigu shareecada Islaamka dhexdeeda ku leeyahay waxa caddaynaya waa xikmada aynu u cibaadaysanayno, oo qofku markuu caabdudka noqdo waxuu gaadhayaa derejada laan-dheere-nimada ee Taqiga, sida Ilaahay SW aayad quraanka inoogu sheegay, ‘Dadyahow Rabigiina caabuda, dadkii horena isagaa u Rabbi ahaa, si aad u cabsataan’ cibaadadaa ayaad cabsida ku helaysaan.

Cabdisa xarunteedu halka ay degto waa xubnaha  jidhka halka u wanaagsan  oo Qalbiga ah. Qofku weligii ha dedaalo, balse hadaan daacadnimadii qalbigu jirin iyo dareenkii cabsidii ku weynaa ee Ilaahay SW, waxba kama jiraan waxiisa. Nebigu NNKH markuu xadiiskii dheeraa dadka ku waaninayey waxuu lahaa ‘Alle ka cabsigu waa halkan (qalbiga ayuu gacantiisa ku tilmaamayey).

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey midhaha laga goosanayo marka qofku Alle ka cabsiga la yimaado ayey ugu horeysaa jacaylka Ilaahay SW, waxaanu yidhi

“Aad waxaynu ugu ordeynaa ee Ilaahay SW u jecelnahay, ee diintiisa u jecelnahay, ee Rasuulkiisa NNKH u jecelnahay waa in Ilaahay SW inna jeclaado. Jacaylku waa wax weyn, madaxdu waxay u ordeysaa shacabku ha idin jeclaado, shacabku waxay u ordayaan madaxdu ha idin jeclaato, Gabadhu waxay u ordeysaa Odeygaagu ha ku jeclaado, jacayladaa oo dhan ka ka muhiimsan ee aynu u ordeyno waa in Ilaahay SW inna jeclaado, markuu Ilaahay ku jeclaadana qof kaloo kuu cadhooda waxba kuma yeelayo.

Naxariista Ilaahay SW aynu baadigoobayno waxa lagu helaa Alle ka cabsiga sida Ilaahay SW quraanka kariimka ugu  cadeeyey, taasoo laba boqol iyo dheeraad aayadood ku soo arooreen ‘Naxariistaydu shay walba way ka balaadhatay, waxaanan aakhiro ku gooni yeeli doonaa kuwa iga cabsada’.

Marka aynu doonayno cid aynu is-hayno inaan iska cellino, cabsida Ilaahay SW waa inay jirtaa, laakiin xayd-xaydasho kale waxba inooma tarayso, Ilaahay SW waxuu yidhi ‘Gaal oo dhan wuu isu-kiin raacay, Muslimow idinkuna ha u kala hadhina, laakiin ogaada cidaan wehelinayo ee barbar taaganahay waa kuwa iga cabsada’.

  • Murugada iyo werwerka dadka ku badan waxa lagaga badbaadayaa cabsida Ilaahay SW.
  • Ajar iyo abaal weyn ayuu Ilaahay SW u ballanqaaday kuwa ka cabsada

Sheekh Maxamed ayaa bulshada ku baraarujiyey in Xaaraanta ummadu u badheedho loo baahan yahay in Alle ka cabsigu ka joojiyo, waajibka la fudedsaday waa in Alle ka cabsigu kugu baraarujiyo, dulmiga iyo xad-gudubka waa in Alle ka cabsigu innaga joojiyaa, Alle ka cabsiga waa inaynu nafaheena, caruurteena iyo bulshadeena ku tarbiyadeyno. Ilaahay SW ayeynu weydiisanayna ain qalbigeena ku weyneeyo Alle ka cabsiga, Amen.  

Sheekh Dirir oo Khudbad Kaga Hadlay Qaababka Kala Duwan ee loo Sameeyo Musuqmaasuqa

Hargeysa – (WARSOOR) – Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida, ayaa la wadaagay bulshada sida ay xaaran u tahay in lagu xad-gudbo, sifo gaar ah oo xatooyo ahna loogu qaato xoolaha danta guud ah ee ka wada dhexeeya ummadda.

Sheekh Dirir oo  khudbad ka jeediyey Masjidka Rusheeye ee Caasimadda Hargeysa maalintii Jimcaha ee toddobaadkan, waxa uu si guud ugaga hadlay boobka lagu hayo hantida danta guud ah, isagoo soo bandhigay qaababka kala duwan ee loogu tagri-falo hantida dadku wada leeyihiin iyo sida ay shareecada islaamku u xaaraantimaysay in si gaar ah loogu xad-gudbo xoolaha dadweynaha ka dhexeeya.

“Walaalayaal, waxaynu khudbadeennan kaga hadli doonaa, iskuna wacyigelin doonaa Insha Allaah inay xaaraan tahay in lagu xad-gudbo xoolaha ka dhexeeya ummadda oo aanay Xukuumadna ku xad-gudbi karin, dadweynuhuna aanay ku xad-gudbi karin, waana arrin casrigan (xiligan) aynu joogno u baahan wacyigelin weyn, haddii la eego miyiga iyo haddii la eego magaaladaba, haddii la eego madaxda iyo haddii la eego raciyaddaba (shicibka). Waxa had iyo jeer ummadda ka dhexeeya ee loo yaqaan hantida dadweynaha ama loo yaqaan khayraadka iyo hantida uu llaahay ku galladay ummadda ee ka wada dhexeeya dadka casrigan aynu joogno meel xun ayaa lala marayaa, sidaa darteed way mudan tahay in aynu iskala taliyo oo inta ay goori goor tahay la sameeyo wacyigelin iyo nasteexo oo wixii ay diinteennu ka tidhi axkaam ahaan iyo fiqi ahaanba oo ah halka uu qaannuunka sharciga ah ka taagan yahay, sida uu u qabo iyo waxa uu islaamku ka yidhiba in aynu sheegno,” ayuu yidhi Sheekh Dirir.

“Waxa aynu ku soo koobsan doonaa lix qodob oo arrintan la xidhiidha Insha Allaah;

1.      Waxa ay shareecadu ka qabto in cid gaar ah isticmaasho wax ummadda ka dhexeeya oo maalkooda ah.

2.      Hababka loogu xad-gudbaa waa noocyadee

3.      Hantida la wada leeyahay in aynu tusaalayaal ka bixinno

4.      Asbaabaha ama sababaha keeni kara in lagu xad-gudbo xoolaha ummadda  ka dhexeeya

5.      Maxaa innagala gudban in aynu wada ilaalino xoolaha aynu wada leennahay

6.      Qofka ku dhagarooba ee qaatay ama ay gacantu ay kaga dhacday xoolaha ummaddu habka uu uga towbad keenayo

“qodobka ugu horeeya ee ah shareecadu maxay ka qabtaa qofka xoolaha ummadda ku xad-gudbay, haddii aynu ka hadalno Ilaahay (SWT) waxa uu qur’aanka kariimka ah ku tilmaamay oo aayadda 161-aad ee suuratul Al-imran qofka wax ka qaata xoolaha ummadda ka dhexeeya, waxaanna qofkaas magaciisa la yidhaahdaa ‘QAAL’ oo waa magac gaar ah oo ay tuugadu leedahay, tuugada noocaas ahna waxa la yidhaahdaa ‘QULUUL’ oo eray-bixintaas ayuu qur’aanku siiyey, ciqaabta uu leeyahayna Ilaahay ayaa ka waramay.

 Dadka qaarkood ayaa yidhi; ‘bahashii yarayd ee ahayd macawistii casayd ee aynu waynay markii qanniimada la soo ururinayey waxa laga yaabaa in Nebigu uu iska sii yara qaatay oo ay gacantu kaga dhacday.’ Ilaahay (SWT) ayaa soo jawaabay isagoo ceebta ka bari-yeelaya nabiga oo waxa uu aayadda 161aad  ee suuradda Al-cimraan uu ku yidhi; ‘nabi uma habboona inuu hantida ummadda wax ka qaato, qofka wax ka qaataan maalinta qiyaamaha ayuu isaga oo dusha ku sita uu keeni doonaa, markaa ayuu Ilaahay naf waliba wixii ay dulmido uu ka xisaabin doonaa.’ Markaa khalqiga oo taagan ayaa dhexdooda lagu fadeexadaynayaa.”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku soo qaatay axaadiista kala duwan ee uu Nebi Muxamed (SCW) kaga hadlay dhibaatooyinka ay leeyihiin xoolaha ummadda oo la xado, waxaannu yidhi; “Rasuulku (SCW) mawqif adag ayuu iska taagi jiray isagoo xukunta ku caddaynaya xaaraantinimada arrintaas. Waxa la galay dagaal oo nin asxaabta ka mid ahaa ayaa si dhakhso ah u shahiiday ay xabbad seeraaro ah oo iska socotaa ay cuskatay…waxayna axsaabtii yidhaahdeen; ‘ninkaas isaga ah waannu hambalyeynaynaa shahiidnimada uu shahiiday daraadeed, welibana shaqaalihii nabigana wuu ahaa oo gaadiidkii Rasuulka ayaabu rarayey oo uu gacantiisa ku hayey.’ Ninkaas asxaabiga ah oo la odhan jiray Midcam oo waxa uu ahaa adoon loo soo hadiyadeeyey Rasuulka (SCW), markaa Nebigu waxa uu xadiid saxeex ah ku yidhi; “Maya, ha ka yaabina ee kaasi naar ayuu ku jiraaye kuma jiro janno, weligiiba ha ii shaqeeyo oo asxaabi ha ahaado (laakiin) qaniimadii la wada lahaa ee maalintii Khaybar oo aan la qaybin ayuu macawis yar ka qaatay oo tii ayaa imminka ku holcaysa oo Ilaahay i tusayaa.”

Waxaannu intaas ku daray; “Rasuulku waxa uu ummadda ka wacyigeliyey in xaaraan lagu qaato xoolaha ummadda ka wada dhexeeya oo si adag ayuu ula hadlay oo waxa uu yidhi; ‘waar dadyahaw aakhiro yaanan idinla kulmin iyadoo wixii aad xaddeen aad dusha ku sidataan.’ Markaa nabigu wuu sii faahfaahiyey waxa uu yidhi; “nin ayaa la imanaya neef adhi ah oo dushiisa ka ciyaya, farta ayuu ii taagayaa oo waxa uu leeyahay Rasuulkii Ilaahayoow ii gurmo oo Ilaahay iiga ergee.’ Markaa aniguna waxa aan odhanayaa ayuu nabigu yidhi; ‘wax alla wax aan kuu hayaa ma jirtee xoolaha dadweynaha in la cunaa inay xaaraan yihiin ifkii ayaan kuugu sheegay.’

Waxa uu Sheekh Dirir sheegay in Nebi Muxamed (SCW) uu axaadiis ku sheegay in maalinta qiyaamaha uu qof walba la iman doono isaga oo dusha ku sida wixii uu uu xaday iyo xoolihii ummadda ee uu lunsaday, haddii ay tahay xoolo nool iyo hantida kale ee moodka ah ee isugu jirta lacagta, dahabka iyo wax kasta oo uu xaday inta la joogo ifka, iyadoo uu Sheekh Dirir iftiimiyey in markii Nabigu uu hadalkaas sheegay in dadkii xatooyada sameeyey ay muujiyeen wixii ay xadeen, dibna u soo celiyeen.

“Rasuulku (SCW) wacyigaas markii uu ummadda u jeediyey ee uu sheegay inuu aakhirana ka bari noqonayo oo aannu cid wax xadday waxba u qaban karin, ninba wax ayuu keenay oo nin ayaa yidhi; ‘dee suunkan yar ayaan allaabtii ka qaatay oo wuu iska soo tuuray.’ Nebiguna wuxuu yidhi; “xabbad naar ah ayaad iska soo celisay…adna laba naarood ayaad iska soo celisay oo Alle ayaa ku badbaadiyey…’ oo nabigu qofkasta oo wax soo celiyey wuxuu u sheegayey inuu naar iska soo celiyey. Xukunka ay shareecadu ka qabto waxa weeyaan in waxa la wada leeyahay uu ka sii khatarsan yahay waxa gaarka loo leeyahay.”

Qodobka labaad: Xatooyadu noocee ayey noqon kartaa?

“Waxay noqon kartaa tusaale ahaan marka aad wax ka ammaahato bangiyada iyo wixii ummadda ka dhexeeyey in aad dayn bixi waydo oo aad tidhaahdo; ‘maanta ayaad fursad heshay ee kaba baxso oo ka dhaqaaji.’ Wayna dhacdaa in dadkeena qayb ka mid ah oo beryihii hore lacag ka ammaaday bangiyada oo adhiilayaal ha ahaadeen ama cid kaleba ha ahaadeen oo dowladdii hore (ee Soomaaliya) ee burburtay iyadoo lacag badan lagu leeyahay oo ah tobanaan kun ama boqolaal kun oo dollar oo daaro ka dhistay, beero ka samaystay, hanti ka maalgashaday (waxayna tahay oo waajib ah) in aad u sheegtaan oo waxan ay haystaan waxa weeyaan uun wixii ay lahaayeen dadkan ilaa hadda xooluhu ka maqan yihiin ee ay bangiyada lacago u yaaleen, markaa qofku waa inuu iska celiyo wixii aan ahayn intii uu lahaa oo qudha.

·        Waxa ka mid ah siyaabaha loo xadayo waxyaabo yaryar oo aanay dadku iskaba filayn oo ah saacadaha biyaha iyo saacadaha laydhka oo la joojiyo ama wax laga beddelo ama lacagta oo lala baxsado, waana wixii dadka ka dhexeeyey oo shirkaduhu ha lahaadeen ama Xukuumaddu ha lahaato, waxayna ka mid tahay noocyada tuugada ah ee dadkuna iskaba yara xaalaashadaan.

·        Waxa ka mid ah agabka loo isticmaalo shaqada ummadda ka dhexaysa ama shirkadaha ka dhexaysa, sida kombuutarada, telefoonnada, gaadiidka iyo waxyaabahaas oo dhan in danaha khaaska ah loo isticmaalo waa nooc xatooyo ah (laakiin) haddii aad shidaalka iska xisaabiso, lacagta halkaas kaaga baxdayna aad xisaabiso.

·        Waxa kaloo ka mid ah siyaabaha wax loo xado marka aad joogto meel dhexe oo aad dadka wax ka iibinayso ama Hay’ad ama Xukuumad ama Shirkad in cidda macmiisha ah ee kuu imanaysa aad wax ka qaado oo aad tidhaahdo; ‘haddii aanad wax i siinin, aniguna ku siin maayo mashruucan isaga ah ama aniga wax iga iibsan maysid ee cid wax i siinaysa ayaan ka iibin doonaa.’ Taasina way iska badan tahay muddooyinkan dambe oo waa wax caam iska noqdayba, waana nooc ka mid ah laaluushka.

·        Waxa ka mid ah waxyaabaha ay ummaddu wada leedahay oo ay dadku burburiyaan, waana arrin aad u cajiib ah oo dadku marka ay Xukuumadaha la coloobaan waxay iskaga rabbaysmaan in wixii dowlad ka soo jeeda ama sida caamka ah loo wada leeyahay in la xado ama la jajabiyo ama la burburiyo. Haddii ay dadku cadhoodaan waa laga yaabaa inay ka baydhaan waxa (hantida) uu qofka gaarka ah leeyahay, laakiin waxa la wada leeyahay in la burburiyo, taasina waxay ka mid tahay tacadiga iyo xad-gudubka hantida ummadda ka dhexaysay.

·        Waxa ka mid ah goobaha la wada leeyahay in lagu xad-gudbo, sida masaajidka oo kale oo kutubtiisa, gogoshiisa, cawihiisa iyo allaabta uu leeyahay in aanad qaadan karin, waana waqaf mucayin ah oo halkaas ayuu u gaar yahay, waxaanna loola dhaqmayaa sida agoonka oo agoonka wixiisa wax ayuunbaa loogu beddelaa.

Qodobka saddexaad: Xoolaha caamka ah ee la wada leeyahay noocyadee ayey noqonayaan?

“Xoolaha caamka ah waxa ka mid ah;

·        Masaajidada iyo goobaha waxbarashada, sida jaamacadaha, dugsiyada (schools), madaariska, macaahiidda diiniga ah, cusbitaallada, xannaanooyinka lagu daawaynayo ummadda kuwooda buka, meelaha agoonta lagu barbaariyo iyo dadka waaweyn, meelaha lagu qabto danaha guud oo dhan, sida waddooyinka oo waddadaas agteena ah waxay ka mid tahay hantida aynu wada leenahay oo guri aynu wada leenahay ayeyu dhigantaa, sidaa darted inuu qof gaar ah iska goosto ama uu iskaga shaqaysto ama xidho waxay ka dhigan tahay xoolihii ummadda oo uu boobay.

·        Waxa ka mid ah biriijyada, dekedaha, garoomada, goobaha lagu ciyaaro ee ay carruurteennu ku logo-fidsanayaan, waxa ka mid ah beeraha loogu talogalay in dadku ku nastaan.

·        Waxa ka mid ah macdanta ummadda ka dhexaysa, baadka ka baxaya baadiyaha, dhirta, sidaa darteed dadka qaarkood haddii ay macdanta iska xidhaan ama shidaalka iska xidhaan ama cawskii iska ootaan waaba sida iska badan ee ka dhacda degaannada miyiga ama dhirtii inta ay xidhaan ay gubaan, qofka sidaas sameeyaana waa daalim, waxayna ka dhigan tahay nin qaatay lacagta baanka taal oo kale.

·        Waxa ka mid ah webiyada iyo biyaha la wada cabbayey ee qulqulayey meelahaas, sida uu Nabigu (SCW) xusay, dhammaantoodna waxa wada leh innaga iyo ubadkeena soo socda.

“Waxaas oo dhan waxay ka mid yihiin danta guud ee la wada leeyahay, sidaa darteed in cid maamul gaar ah iska isticmaasho maaha oo ay iibsadaan iyo in taajir uu ka sii iibsado, intuba waa dulmi oo waa xoolihii la wada lahaa oo la qaatay, lana lunsaday,” ayuu yidhi Sheekh Dirir.

“Asbaabta keena in xoolaha ummadda lagu tagri-falo waxa ka mid ah Dowladda oo daciif noqota oo waajibkeedii gudan kari weyda, taas ayaana keeni karta in cid walba…”

Waxa kaloo uu Sheekh Dirir khudbaddiisa kaga hadlay musuqmaasuqa, boobka hantida ummadda iyo masuuliyadda saaran cidda hoggaamiyaha u ah ummadda ee gacanta ku haysa talada, waxaannu yidhi; “Asbaabaha keena in qofku ku dhaco ku xad-gudubka hantida ummadda waxa ka mid ah;

·        Daciifnimo iimaanka iyo caqiidada ah ama ducful-iimaan ama iimaankooda oo qoonma, maxaa yeelay? Iimaanka ayaa qofka ku abuura inuu kala eego xaaraanta iyo xalaasha oo uu is yidhaahdo; “maxaa kuu xalaal ah, maxaase kaa xaaraan ah? Laakiin marka iimaanku ka qoonmo qofka, waxa u hamuumaysa oo u hillaacaysa adduunyada yar ee natiijada dambe ma eegayo.

·        Waxa ka mid ah in qofka akhlaaqdiisu qalloocanto oo xiiitaa xishoodku ka lumo. Dadku inta ay sii leeyihiin gobonnimada, sharaf ay ilaashadaan iyo dhegtooda oo ay dhowraan oo uu u tudhayo magaca reer hebel, magaciisa iyo magaca qoyskiisa  arrimahaa kuma dhacaan, balse had iyo jeer marka ay dadka gobonnimadu ka lunto ee ay gunnimada u dhacaan weeyaan marka ay boobayaan wixii ka dhexeeyey

·        Waxa ka mid ah (in xoolaha ummadda la boobo) isagoo qofku jaahil ka ah diintiisa ama aan garanayn xeer ciqaabeedka shareecada islaamku u dhigtay in ay in badan oo ka mid ah culimada islaamku ay qabaan in qofka hanti ummadeed qaatay gacanta la goynayo, hantidii uu qaatayna laga soo celinayo. Waa la isku waafaqsan yahay in wixii qaatay laga soo celinayo, laakiin in badan waxay qabaan in gacantana la gooyo.

·         Asbaabta keenta xatooyada waxa ka mid ah in qofkan wax xadaya aannu qalbigiisa Ilaahayba ku jirin oo aannu ogeyn in Ilaahay eegayo oo isha Ilaahay hayso, kana warhayn, markaa waa qof qaafil ah.

·         Waxa ka mid ah asbaabaha xatooyada keenaysa iyadoo aan la oogayn shareecadda islaamka oo ummaddaasi aanay ahayn ummad fulinaysa, hirgelinaysa oo ku dhaqmaysa shareecada, waayo marka shareecada lagu dhaqmayo qof walba ciqaabta uu mudan yahay ayaa la marinayaa oo kii cid gaar ah wax ka xadda, kii xoolaha ummadda xadda, taqsiirtii iyo xuduuddii oo dhan, laakiin marka aan shareecada lagu dhaqmayn way iska badanaysaa; ‘amba qaataye adiguna qaado.

·        Asbaabta keena in xoolaha ummadda lagu tagri-falo waxa ka mid ah Dowladda oo daciif noqota oo waajibkeedii gudan kari weyda, taas ayaana keeni karta in cid walba ay qaadato wax aanay lahayn ama wixii ummadda ka dhexeeyey la iska qaato.

·         Waxa ka mid ah qofka ummadda ugu sareeya ee hoggaamiyaha (Madaxweynaha) oo doorkiisa qaadan waaya oo ka gaabiya, taasina waa waxyaabaha keenaysa in dadku kala qaataan wixii ummadda ka dhexeeyey ee uu isagu (hoggaamiyuhu) u ilaalinayey ama ku xad-gudbaan ama daryeeli waayaan, sidaa darteed ayuu Cumar Binu Khadaab (RC) lahaa odhaahdan ah; ‘Haddii ay waddooyinka Ciraaq ka xumaadaan oo dadka iska daaye ay xoolahu wax ku noqdaan ama ku jabaan, qiyaamaha Cumar ayuu Ilaahay weydiinayaa oo la odhanayaa; ‘Cumaroow, maxaad dadka iyo duunyada dariiqa ugu hagaajin weyday? Xiligaasna Ciraaq iyo Madiina aad ayey u kala fogaayeen, markaa sidaas ayey Khulafadu u fikirayeen.

·         Waxa asbaabaha ka mid ah in ay ummadda ku yaraato naxariistii walaaltinnimada iyo tudhaallaha islaamka oo ay ehelnimada iyo axsaabnimadii dadka ku yaraadaan, waayo qofku wuxuu odhan lahaa; ‘bal ummadaada u kaadi kuwo sidaa iyo sidaau dhibban ayaa ku jiree oo waxan waa lagula leeyahaye adigu dadka u tudh?. Markaa tudhaallihiina ma jiro.

Maxaa inala gudboon si aynu u ilaalino hantida ummadda ka dhexeysa?

 “Waxa inala gudboon oo ummadda la gudboon in qofka falka xatooyada samaynaya meel looga soo wada jeedsado oo qofku arko in haddii uu Ilaahay ka cabsoon waayey uu dadka ka baqdo, ogaadana in dadku ay waxooda ilaashanayaan. Waana qofkaas lagu yidhaahdo; ‘Ilaahayna kuma jecla, anaguna kuma jeclin ee markaa hebeloow ka joog, sidaa masuul noogu noqon mayside? Ilayn Ilaahay (SWT) ayaa tilmaamay inuu qiyaamaha fadeexadaynayo qofka xoolaha ummadda xada, agtayadana waad ka fadeexadaysan tahay oo waa in la yidhaahdo sidii uu Nebiga CSW yidhi ee ahayd; ‘Haddii aad hantidii ummadda ilaalin kari weyday, guriga hooyada iyo aabbahaa iska joog.’

Rasuulkii Ilaahay (NNKHA) ayaa nin asxaabi ah u diray inuu xoolo soo ururiyo, isagoo sidoo kalena dadkii hadiyado ka soo urursaday, kadibna markii uu soo ururiyey xoolihii loo diray ee uu keenay ayuu yidhi; ‘intani waa xoolihii la ii diray oo keenay, intana anniga ayaa la i soo hadiyadeeyey oo la  i soo siiyey.’ Nebigu (CSW) wuu cadhooday, wuxuunna fuulay minbarka oo ummadda ayuu la hadlay, ninka magaciisiina ma sheegin, wuxuunna yidhi; “Maxay u dhacaysaa arrinta noocaas ah?  Inta aannu qof u dirno inuu xoolo soo uruuriyo inuu sidan wax u qeybiyo oo uu yidhaahdo ‘intanna ummadda ayaa leh, intana annigaa leh? Bal muu guriga hooyadii iyo aabbihii iska fadhiisto oo eego bal in cid wax u hadiyadayso iyo in kale? Ilayn shaadhkii ummadda ayuu xambaarsan yahay oo ku macaashayaaye.”

Waxa kaloo uu Sheekh Dirir intaas ku daray; “Waxa aynu leenahay waxa kula gudboon in qofka ummadda waxeeda qaadanaya in aad ula dhaqanto sidii sidii Khulafaa’ul raashidiin oo aad dadka wanaagsan ku dayato ee aanad ku dayan dadka xun. Khulafadii Abu-bakar iyo Cumar (RC) marka ay ummadda la hadlayaan waxay odhan jireen; ‘Anigu xoolahaas ummadda ee aan idiin hayo waxa aan ka taagannahay halka uu ka taagan yahay qof haya xoolo agoomeed.’ Qofka haya xoolaha agoontana Ilaahay ayaa la hadlay oo waxa uu yidhi; ‘qofka wax haysta ha iska daayo xoolaha agoonta, qofkii faqiir ah ee aan waxba haysanna ha ka cuno in kooban oo markaa wuxuu ku noolaanayey ah.’ Sidaas ayey Khulafadii u dhaqmi jireen oo ay xoolaha ummadda uga dhawrsan jireen.”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar, ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku sheegay in qofka madaxda ah looga baahan yahay inuu iska ilaaliyo hantida ummadda, waxaannu yidhi; “Waxa aynu leenahay si xoolaha ummadda loo ilaaliyo waa in qofba qofka uu ka sarreeyo inuu ka dhowrsan yahay maalka ummadda, midba midka uu ka hooseeyana wuu iska deynayaa, kuwa madaxda ah ee ugu sareeyaa marka ay cunaan, kuwa ka hooseeyana way ku dayanayaan. Waxa dhacday in Asxaabtu rideen dowladdii Faaris ee Iraaniyiintii wakhtiga joogay ee Dab-caabudka ahaa, dadkii muslimiintu waa kuwii xorreeyey ee ka adkaaday ee furashooyinku (futuuxaadkuna) dhaceen, saxaabigii Sacad Bin Abii Waqaas RC iyo colkii uu hoggaaminayey halkaas xoolo aad u badan ayey ka soo heleen, ninkii Kisra la odhan jiray ee dhan walba dahabka iska dhigay, daaro dahab ah, xoolo dahab ah, wixii oo dhan ayaa la soo wada qaaday, Sacad wauuu asxaabtii u qeybiyey qanniimaddii la helay qeybtoodii, nin walba 12 kun oo dirham ayuu helay, qeybtii muslimiintu wada lahaydna wuu soo diray, kadibna Cumar binu Khadaab (RC) ayey xoolihii soo gaadheen oo badnidoodii ayuu la yaabay, sida dahabka, xariirta, gogosha, dheemanta iyo waxa hanti la sido oo inta uu sidaa u eegay ayuu yidhi; ‘dadka xoolahaa soo diray ee qaadan waayey waa aaminiin, kuwan in ammaanno lagu hubo ayaan uga markhaati kacayaa.’ Cali Bin abu-Daalib (RC) oo la joogay ayaa yidhi; ‘Adiga ayaa dhowrsoonaaday, markaa ayey ummaddaadiina kugu dayatay oo dhowrsoonaadeen, haddii aad iska daaqi lahayd, iyaguna way daaqi lahaayeen? Markaa haddii la doonayo in la daayo musuqmaasuqa iyo boobka hantida ee miyiga iyo magaaladaba oo hantida ummadda haddii la doonayo dhowritaankeeda, sida loo kala sarreeyo waa in laga bilaabo, si ummadduna ugu dayato.

Qaabka looga tawbadkeenayo xoolaha ummadda ee la cunay ama lagu xad-gudbay

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sidoo kale ka hadlay qofka xoolaha ummadda cunay ee ku xad-gudbay  sida uu uga tawbadkeenayo, waxaannu yidhi; “Sida looga tawbadkeenayaa waxa weeyaan in ugu horayn uu qofku waxaas (boobka) uu gacanta ka qaado, go’aansadana in aannu dib ugu noqon xatooyada, kana tawbadkeeno, hantidiina ummadda uu u soo celiyo ummadda, intii ay doonto ha leekaato ee wixii uu ummadda ka qaatay inuu soo celiyo, meelaha uu ka qaatayna ku soo celiyo, cidda masuulka ka ahna uu ku soo celiyo, waana sida ay Culimadda Fuqahada oo dhan ka waramayaan, sida Imaamul-Nawawi (raximahu-laah), Ibnu-Qudaama iyo dhammaantood culimada fiqigu waxay leeyihiin towbadda waxa shardi u ah qofku wuxuu qaatay inuu soo celiyo, isagoo weliba cudur-daarna bixinaya, haddii ay dhacdo meesha uu ku soo celinayo dadka masuuliyiinta ka mid ah inay iyaguna sii lunsanayaan oo ay sii qaadanayaan, dee daalin kaloo isaga beddelaya ayuu xoojinayaaye meel dannaha guud ee ummadda ah ayuu gelinayaa, ilayn ummadda ayey waxani ka maqnaayeene, habka looga tawbadkeenayana waa habkaas oo culimaduna isku waafaqsan yihiin. Nebigu (CSW) wuxuu yidhi; ‘Gacan walba waxa lagu leeyahay wixii ay qaaday, ilaa ay soo celinayso.” Ha ka qaato hantida ummadda ee caanka ah ama qof gaar ah ha ka qaatee ama ha noolaado ama ha dhintee, waxay noqonaysaa; ‘waxan yaa lahaa? Yuu ka maqnaa? Waa in aad soo celiso, markaa ayey towbaddu hirgelaysaa, laakiin haddii qofkii tawbadkeeno, balse hantidii iska haysto oo iska isticmaalayo, tawbaddiisii ma ansixin. Waxa aynu arrimahan isugu baraarujinaynaa xatooyadu kuma eekaato dadka waxan ku eedaysan oo keliye ee dad asxaab ah, ehel ah oo isku xidhan ayeynu nahay oo wax ayaa la wada cunaa, wax ayaa la isa siiyaa, markaa shaygaas xaaraanta ahaa dhinac uun buu kaa soo gelayaa oo waa lagu siinayaa ama inantaada ayaa la siinayaa ama yarad ayaaba loo bixinayaa ama gabaati ayaa loo bixinayaa ama muquuno ee kolayba dhinac ayuun buu kaa soo gelayaa, markaa hebelo ayaa qaata kuma eekaanayso, laakiin u fiirso oo mar uu ku casuumo, mar uu kuu dhiibo ama mar uu haddiyad kuugu keeno adigana way ku soo gaadhaysaa, markaa arrintani waxay u baahan tahay in aynu tallaabooyinkaas qaadno, si aynu u horumari karno, si aynu u nasan karno, si aynu u badbaadi karno Adduunyada iyo aakhiraba,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

Khudbaddan halkan ka dhegayso

Muslim pilgrims pray in Mecca as haj winds down without incident

Saudi Arabia – (warsoor) – Millions of haj pilgrims began heading back to Mecca for final prayers on Tuesday as the world’s largest annual gathering of Muslims wound down without incident despite the logistical challenges and escalating regional tensions.

Senior officials said there had been no major incidents and the logistical, security and health plans had been successful, even with some heavy rainfall.

Saudi Arabia stakes its reputation on its guardianship of Islam’s holiest sites, Mecca and Medina, and its organization of the pilgrimage. It hopes to continue expanding attendance to help to build its tourism industry.

Pilgrims participated in a symbolic stoning of the devil, part of the haj rituals, in Jamarat before returning to Mecca, where the Grand Mosque filled with worshippers preparing to depart.

Saudi pilgrim Jasem Ali Haqawi said he was grateful to the authorities for a well-run week of rituals.

“Nobody comes to the haj without things inside him that he wants to ask from God,” he said while preparing to conduct final prayers in Mecca. “The sick, the indebted … such things only God can grant and so you ask God for whatever you want.”

Nearly 2.5 million pilgrims, most of them from abroad, came for the five-day ritual this year. Attendance is a religious duty, once in a lifetime, for every able-bodied Muslim who can afford it.

More than 120,000 members of the security forces and more than 30,000 health workers were on hand this week to maintain safety and provide first aid.

A crush in 2015 killed nearly 800 pilgrims, according to Riyadh, when two large groups of pilgrims arrived at a crossroads east of Mecca. Counts by countries of repatriated bodies showed that 2,000-plus people may have died, including more than 400 Iranians.

Saudi authorities said at the time that the crush may have been caused by pilgrims failing to follow crowd control rules. King Salman ordered an investigation but the results were never announced.

Iran boycotted the haj the following year, partly in response to the crush and a diplomatic rift between the two countries.

Iranians attended this year as Riyadh and Tehran continue to struggle for regional supremacy. Tensions are particularly high after the seizure of commercial vessels and attacks on tankers near the Strait of Hormuz.

The narrow waterway separating the two countries has become the focus of a stand-off between Tehran and Washington, which has beefed up its military presence in the Gulf since May.

(Writing by Stephen Kalin; Editing by David Goodman)

Source: Reuters

Ramadaanta iyo Cimriga

Assalaamu Calaykum,

Ramadaan Wacan Walaalayaal.

Waqtigu wa nimco tan ugu weyn ee Ilaahay SWT ina siiyey,waqtigu wuxuu jaanis inoo siinayaa inaynu qabsano hawleheenna adduun iyo tan aakhiroba.

waqtigu waa cimrigaagii oo maalinkasta wax ku kordhayaan,maalin hadday ku dhaafto maalin cimrigaagii ah ayaa tagtay runtiina waxaad u sii dhowaanaysaa markasta dhanka qabriga.

Nebigu wuxuu yidhi SCW”Laba nimco oo dadka badankiisu halmaansanyhiin ayaa jira waana Haleelka iyo Caafimaadka”.

Qunaym Ibnu Qays wuxuu yidhi” Markii ugu horaysay ee islaamka waxaanu dadka ku wacdiyi jirnay”ina aadamow ka faa’idayso intaanad mashquulin,dhalinyaranimadana ka faa’idayso intaanad duqoobin,cafiimkana ka faa’idayso intaanad xanuunsanm,adduunka ka faa’idayso intaanad aakhiro tegin,nolosha ka faa’idayso intaanad dhiman”.

Ibnu Cabbaas na wuxuu yidhi”Haddii midkiin dirham ka lumo maalinkii odhan ayuu haynayaa manta dirhama ayaa iga lumay waqtigiisii lumayna odhan maayo maalinkaygii ayaa iga lumay,waxaa jiro addoomo ilaahay oo waqtigoodii ka faa’idaystay,kuwaasoo ilaashaday waqtigoodii cibaado iyo daacona ku camirtay”

Cimirigu waa shayga kaliya ee qofkstaa jeclaysanaayo in loo dheereeyo ama loo soo celiyo markuu dhaafo,quraanka markaad akhrido waxaad arkaysaa siday u jeclasanayaa kuwii waqtigooda lumiyey in loo soo celiyo Ilaahay wuxu yidhi”Markay midkood geeridu u timaado wuxuu odhanayaa rabiyow i celi,waxaa lagayaaba inaan markan camal wanaagsan soo sameeyee”.Ilaahay wuu ka diidayaa wuxuuna ku odhanayaa”Majirto dib u soo celin waana kelmed layska yidhi”

Qofkastaa wuxuu raadinayaa in cimrigiisu dheeraado,waana sababta keentay in shaydaanku nebi aadan nabadgalyo korkiisa ha ahaatee uu ugu baaqo waaritaan,waayo bani aadamka ayaa jicel inuu jiroo joogo,Alle wuxuu yidhi isagoo inooga waramayaa warkii shaydaanka “Maku tusiyaa geedka waaritaanka iyo boqortooyo aan dhamaan”.

In aaddamuhu nolol dheer iyo nolol waanagsan helo waa asaasiyaadka nolosha ee maanta,dhamaan cilmiyada maanta ee cafimaadku waxay doorwayn ka qaataan siday dadka ugu sheegi lahaayeen sida nolol fiican iyo tu dheer lagu helo.

Baddanaa sadex shay ayuu ku dulwareegaan sidaan ka akhriyey qoraal nin sheekh ahi soo turjumay.

1. In la dheeli tiri cuntada, in aan layska cunin waxkasta balse loo meeldayo oo cunto miisaaman lacuno,oo dhamaan laga hanqabtiro faytamiinadii kala duwanaa.mahaa hadh iyo habeen inaad isku gurto cunto aan laysu qiyaasin.

Taasi waxay dabaqaysaa aayadda alle ku yidhi”Cuna oo cabba laakiin ha xad dhaafinnina”.

2. Samaynta jimicsi joogto ah,waan in qofku isku dayaa in uu ordo waqti kamid ah waqtiyadiisa ama sameeyaa noocyada kala duwan ee jimicsiyada ah ee aan waxba naftiisa yeelayn,Laakiin haddii aanad soconba gaadhi uun saarantahay ogsoonow cudur kaama fogee.

3. In aan layska ilaasho wixii balwad ah,balwaddu waxay riqiisisaa cimriga qofka.

Qodka balwadaystaha ahi wuu is bedelaa jidha ahaa iyo dhaqan ahaanba wuxuuna markasta kusii socdaa jidkii lagu jabay.

Islaamku wuxuu inoo sheegay in ay jiraan waxyaalo badan oo kordhiya cimriga,sida

A.Qaraabada oo laxidhiidhsho.

dadku maanta qaraabo goys miidhan ubadanyihiin,waqtigii hore qaraabado waa wada degi jireen isu safri jireen,hadda iyadoo xitaa qalabka casriga ah la haysto ayey adagtahay in layska war hayo.

si cimrigeenu u kordho aan badsano qaraabo salaanka iyo booqashooyinka ehelka.

Nebigu wuxuu yidhi SCW”Qofka jecel in cimrigiisa loo fidiyo camalkiisana la wanaajiyo ha xidhiidhiyo qaraabadiisa”.

B.Bisha Ramadaanta,

Culimadda arinkaa wax ka qoray waxay leeyihiin ramadaantu way kordhisaa cimriga, waxayna daliilo u soo qaateen habeenka laylatulqatriga,  waayo qofka la kulmaa wuxuu helayaa wax ka khayr baddan kun bilood. 

Nebigu SCW, wuxuu inoo sheegay in cimriga ummadiisu u dhexeeyo lixdan ilaa todoobaatan.

Haddaba bal qofka ilaahay waafajiyey inuu noolaado lixdan sano lixdankaa sanona cibaado iyo khayr ku camirto ,Ilaahayna waafajiyey in uu la kulmo habeenka khayrka baddan ee laylatul qatriga oo u dhigma 83 sano iyo dheeraad,miyaanu noqonayn qof alle cimrigiisa u dheereeyey.waxaynu ka warqabnaa in ilaahayn inoo sheegay in wanaag kastaa uu lamid yahay toban .Bal ka waran qofka toban sano alle waafajiyey in uu laylatul qadriga la kulmo 10*83=830 sano.marka lagu darro lixdankii sano ee uu noolaa qofku  waa tusaale uun ee alla og qofkastaa amintu noolaanayee.

830sano+60sano=890sano. Waxay ka dhigantahay qof noolaa 890 sano oo intaasna khayr waday.

Si cimrigu inoogu kordho aynu ramadaanta ka faa’idaysano,habeenka khayrka bandana ku dadaalno,Ilaahay ha ina waafajiyo habeenka laylatulqatriga ,aamiin aamiin.

Cabdinaasir Xasan Macallin

zudaizi2020@gmail.com

+252634136953

SH Dirir: “Nebigu NNKH wuu u duceeyey dadka (ganacsatada) ummadooda u naxariista..”

Hargeysa-Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in khalkhalka ku yimaada dhaqaalaha iyo dhuuniga bulshada si adag u taabtaan, gurri walbana waa laga dareemo, sidaa darteed looga baahan yahay ganacsatadu inay u damqadaan dadkooda.

Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha maanta (shalay) kaga hadlay saamaynta isbedelka safirku ku yeeshay maceeshadii dadku quudanayeen, iyo sida loogu baahan yahay in ganacsatadu ula dhaqmaan xaaladahaa ayaa ku bilaabay,

“Marka sarifka doolarku isbedel ku yimaado waxa laga cawdaa ganacsatada inay qiimaha halkii hore ku hayaan, iyagoo ka werwersan inuu dib u kaco.

Waxa looga baahan yahay inay bulshadeena qeybaha wax iibiya la socdaan ascaarta ayuu sheegay Sheekh Dirir, isagoo yidhi,

“waxa looga baahan yahay  ganacsatada inay qiimaha sarifka oo markuu kacana la jaanqaadaan,  markuu degana ay dejiyaan qiimaha badeecadaha.

Rasuulka NNKH wuu u duceeyey dadka marka ay wax-korodhsanayaan, ama wax khaqaajinayaan ummadooda u naxariista, ayuu yidhi sheikh Dirir,

“Alle haw naxariisto qofka saamaxaad badan, ee dadka wax ka dhima, markuu wax iibinayo, soo iibsanayo ama amaahinayo.

Jaangoynta halka sarifka lacagta ee suuqu yahay, ayaa looga baahan yahay in qofka ganacsataduna ku jaangooyo badeecadiisa, hadii sideed yahay, sidaa ka dhig, adigu hadaad toban ku socotay, ogow ummada waad barbar-socotaa, ood khilaafsan tahay.

Sheekh M Dirir ayaa ugu baaqay bulshadu inay xooga saaraan manaafacaadsiga waxa gudaha dalka ka baxa, qiimahiisana hoos loo dhigo,

“Dunida badeecadaha gudaha dalka ka soo baxda waa raqiis, nasiibdarada innaga inna haysata waxa wadanka ka soo baxa ayaa ugu qaalisan, arrinkaasi wacyigelin balaadhan oo xukuumad iyo shicib la iska kaashado waa muhiim. Dadkii masaakiinta ahaa waa bestood. Laba seledood mid 1 dollar & mid 20 sidata ayaa suuqa wada gelaya, waa la is-cawryayaan, oo la is-inkaarayaa. Marka wada tashigeeda loo dhaqaaqo waa in dhego furnaan loo muujiyo, Ilaahayna (CW) loogu dhowaado waxii la hagaajinayo ee islaax ah.