Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Saydheelow

Baydhabo – (warsoor) — Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo 24-kii saac ee ugu dambeysay ee lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab oo ka dhacay deegaanka Saydheeloow oo 30km u jira Magaalada Baydhabo iyo Deegaano kale.

Wasiirka Dhaqancelinta Maleeshiyaadka ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa SONNA u xaqiijiyay in la dilay 5-taasi Maleeshiyaad, wuxuuna intaasi ku daray in howlgalkaasi oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM, si weyn loogu guuleystay, ayna ka gaareen waxyaabihii ay ka damacsanaayeen.

Dhanka kale Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa ka warbixiyay guulihii ugu dambeeyay ee laga gaaaray xoreynta deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaadka Alshabaab oo dhibaato ku haya Bulshada ku dhaqan Deegaanadaasi, waxayna sheegeen in laga gaaray hawlgalkaasi ujeedooyinkii laga lahaa.

Hawlgalkaasi ayaa waxay ka fuliyay Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM Deegaanno ku yaallaan Galbeed Magaalada Kismaayo, halkaasi oo la sheegay inay Kooxda Alshabaab ku dhibaateyn jireen shacaba ku dhaqan deegaanadaasi.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.