Taliyaha Xoogga ee Ugaandha oo Safar ku tegay Baraawe

Baraawe – (warsoor) – Taliyaha Milaterigga Wadanka Uganda General Katumba Wamala oo maalmahaan ku
sugnaa dalka ayaa booqasho ku tegay Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose oo ay ku
weheliyeen Taliyaha Howlgalka AMISOM Gen Osman Nur Soubagle,Saraakiil Soomaliyeed iyo kuwa Uganda halkaasi oo uu u kuurgalay xaaladda Ciidamadda Soomaliyeed iyo kuwa Uganda ee ka howlgala aagas, isagoo ku dhiirigeliyay kuna amaanay sida ay nabadda iyo xasiloonida ugu soo celiyeen, kadib markii laga xoreeyay Al Shabaab.

Masuuliyiintu waxay ka dhageystay warbixin Saraakisha Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo ka warbixiyay wada shaqeynta Ciidamadda huwanta ah iyo howgaladooda ee ku aadan sifeynta cadowga laga xoreynaayo shacabka soomaliyeed ee ku nool Gobolka shabellaha hoose.

General Katumba Wamala ayaa Ciidamadda Soomaliyeed ku amaanay sida ay dalkooda u difaacan isagoo ku bogaadiyay inay mar walba xasuustaan inuu dalka Soomaliyeed amnigiisa ay si buuxda Soomalidda kaliya ku hanan karto. wuxuuna sheegay in Dowladda Uganda ay mar waliba taageereyso sidii Ciidanka Soomaliyeed ay u gaari lahaayeen isku filnaasho loogana maarmo joogitaanka Ciidanka AMISOM, “xalka dalkaan wuxuu ku jiraa gacanta walaalaheena Soomaalida waxaan ku dadaaleeynaa inaan idin taageerno si walboo ay noqotaba balse waxaana idinka rajeynayaa inaad muhimaad gaar ah dhaaman aad siisaan sugidda amniga iyo xasilinta dalka” ayuu yidhi General Katumba Wamala.

Taliyaha Ciidamadda Uganda ayaa kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka Degmadda Baraawe,wuxuuna qiray horumarka ay gaartay Soomaliya inay Baraawe sido kale ay qeyb ka tahay horumarka oo bilic iyo amni maanta ka muuqato.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.