Guddigga Dib U Eegista Doorashooyinka Oo Sheegay In Ay Meel Wanaagsan Marayaan Howlaha Uu U Xilsaaray Baarlamaanka

Muqdisho – (warsoor) – Guddiga dib u eegista doorashooyinka ee Baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay in natiijo wanaagsan oo aan wax u dhimeyn qaranka Soomaaliyeed ay ka soo bixi doonaan howlaha dhinaca doorashooyinka ee loo xilsaaray guddigaasi.

Guddigaan oo ay ka mid ahaayeen Maryan Aweys Jaamac,C/samad Macalin Maxamuud iyo  Shariiif C/lle  isla markaana maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka Jimcaha ee TV-ga aranka,ayaa caddeeyay in aysan jiri doonin muddo kordhin loo sameeyo doorashooyinka dhacaya sanadkaan ee 2016-ka,iyagoo intaa ku daray in shacbiga Soomaaliyeed aysan walwal  iyo wax dareen ah ka muujin dib u dhigidda doorashooyinkaasi.

Xildhibaanadaan oo u xilsaaran sixidda iyo dib u eegista doorashooyinka ayaa xusay in  Howshoodu tahay ilaalinta sharciga ,dhowrista sinnaanta shacabka ee xaga ka qeybgalka doorashooyinka  iyo guud ahaan ka miro dhalinta natiijooyinka laga filayo qabsoomidda doorashooyinka soo socda.

Guddida_Distoorka

Guddigaan oo  gacanta ku haya dib u eegista doorashooyinka ayaa sheegay in aysan jirin wax walwal ah oo madaxda maamul goboleedyadu ay ka muujin karaan howlaha la xiriira dib u eegista doorashooyyinka oo ay tilmaameen in marka la dhameystiro ay ula niqin doonaan mmadaxda dalka.

Guddigaan ayaa xaqiijiyay in howshooda ay ku soo gabagabeyn doonaan todobaadyada soo socda,iyagoo dhinaca kalana rajo wanaagsan ka muujiyay in qeybaha shacabka ay si caddaalad ah uga qeybgali doonaan doorashooyinkaasi.

Guddigaasi ka socda Baarlamaanka waxa ay ku taliyeen in laga faa’ideysto waqtiga,isla markaana la iska kashado sidii loo raadin lahaa dhaqaalihii ku bixi lahaa qabashada doorashooyinka ee 2016-ka.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.