Ciidamada Talyaaniga Oo Deeq Gaadhsiiyay Xarunta Agoonta Gabdhaha Boondheere

Muqdisho – (warsoor) – Ciidamada talyaaniga ee qeybta ka ah kuwa Midowga Yurub ayaa deeq isugu jirta qalab caafimaad, Biscut Cabitaan iyo kobo waxa ay gaarsiiyeen MCH-ka iyo xarunra xanaanada Gabdhaha agoobta Boondheere.

ciidamada_Talyaaniga

Saraakiisha ciidamada Talyaaniga ayaa ugu horeyn qalab caafimaad ku wareejiyay maamulka MCH-ka Boondheere iyadoo munaasabadaasi ay goob joog ka ahaayeen gudoomiyaha degmada Boondheere, gudoomiyaha ururuka haweenka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Ciidamada Talyaaniga ayaa intaasi kaddib booqday xarunta xanaanada agoonta gabdhaha Boondheere oo ay gaarsiiyeen deeq ay ugu talagaleen gabdhaha agoonta ah ee ku jira xaruntaasi.

Maamulaha xarunta agoobta gabdhaha Boondheere Marwo Nuurto Maxamed Caddoow oo munaasabadaasi ka hadashay ayaa ciidamada talyaaniga uga mahadcelisay deeqdaasi ay soo gaarsiiyeen iyadoo tilmaantay in kaalmadaasi ay dabooleyso qeyb ka mid ah baahida xarunta.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.