Roobab Dabaylo Waddata Oo Khasaare Weyn Gaadhsiiyey Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sool

Sool – (warsoor) – Roobab dabaylo iyo danab wata ayaa ku dhuftay deegaano hoos yimaada gobolka Sool, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 87 qof, waxaana ku dumay guryo gaadhaya ilaa 200 oo guri.

Roobabka ka da’ay degmadda Taleex iyo deegaano badan oo hoos yimaadaa ayaa socday muddo saddex saacadood ku dhow. Khasaaraha ugu badan ayaa lagu soo warmayaa inuu soo gaadhay magaaladda Taleex. Tiro ku dhow 20 qof oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay Roobabkan ayaa la sheegayaa in xaaladoodu aad halis u tahay.

taleex

Wararka ayaa sheegaya in hal wiil uu ku dhintay deegaanka u dhexeeya Kalcad iyo Taleex oo la yidhaahdo Jidhiidhad, wiilkaasi oo uu dilay danab.

Roobabkan ayaa sidoo kale khasaare ba’an soo gaadhsiiyey dhamaan ganacsigii ka jiray magaaladda Taleexa, waxaa sidoo kale dumay Dugsigii hoose/dhexe ee degmadda Taleex. Roobabkan ayaa gabi ahaanba jaray laydhkii iyo khadadkii isgaadhsiinta shirkadaha qaarkood.

Wararka ayaa sheegaya in Taawaraddii ay lahaayeen shirkaddda Somtal iyo Golis ee magaaladda Taleex ay soo dumeen.

Dadka ku nool deegaanadda hoos yimaada degmadd Taleex ayaa ka dalbay xukuumadda, umadda Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka inay la soo gaadhaan gurmadd degdeg ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.