Fursadaha Dhaqaale Ee Dayacan

Bismilaahi

AhmedQoraalku waa tilmaan uu qofku wax ku sawiro kuna soo gudbiyo xaalad kasta oo dareenkiisa uu ku cabiri karo , talaabo qaad markaad istiraahdo waxaad ku hagaagaysaa cidlo aan wehel lahayn camalkeeduna yahay dulmi garaadkii wax miisaami lahaana waa dardaran yahay dedaalka kasta oo aad qaadaaba wuu isa soo xidhayaa, meeshaad eegtaaba waa boog, hoos u dhaadhac dulucda qoraalkayguna waa in garaadku wax miisaamo si jawaabta loo wada helo.

Waa maxay xalka loo helay dad tiradoodu ka badan tahay 1.3 billion ee loo dabarjaray cunno yaridii, biyo la aantii iyo xalka 4.5 milion wali noloshoodii ugu jirto xaalad degdeg ah muddo 20 sanadood ka badan ?

Dhaqdhaqaaqyadii ugu adkaa ee ay soo maraan nolosha dadka reer hindiya ayaa waxaa ka mid ahaa horumarkii dhinaca beeraha waqtiyadii 1960 waxaana magaciisu ahaa (Green Revolution in india ) oo micnihiisu yahay Kacaankii cagaarnaa ee hindiya waa waqtiyadii dhaqaalaha beeraha uu kor u qaaday dhaqaalaha wadankooda waxaana yaraaday cunto yaridii ka jirtay wadanka waxaana kor loo qaaday waxsoo saarka cunnada gobbolada ay ka mid ka yihiin Punjab, Haryanna, Utter Pradesh .

Waxaa si gaar ah kor loogu qaaday wax soo saarka dhinaca qamadiga(wheat) oo si cilmiyaysan horumar uga sameeyeen Norman Borlaug oo ah Scientist Maraykan ah iyo sidoo kale cilmi baadhe sare oo hindiya magaciisuna yahay M. S. Swaminathan,

Baahida nololeed ee xiligaas haysay dadka reer hindiya waxay sabab u noqotay inay ka fikiraan Dawlad iyo aqoonyahan iyo bulshadiiba raadiyaan sidii ay uga bixi lahaayeen cunto yarida ka jirta wadanka oo dhan .

Carqaladaha taagnaa

  1. I) Waxaa isla xiligaas haysta dadka reer india abaaro ba an waqtigu markuu ahaa 1940 ilaa 1970 taasoo dadwaynaha ku nool hindiya aanay heli jirin cunto ku filan
  2. II) Shaqo la,aan

III)                 Macluusha iyo caafimaad darida oo ahaa dhibaatooyinka ugu waawayn

  1. IV) Isku filnaanshiyo la aan baahsan oo shakhsi kasta saameeyay
  2. V) Dhimashada abaaraha iyo gaajada oo aad u badnaa

 

Wadooyinka kale duwan ee ay kaga baxeen waxaa ka mid ahaa

 

1-    Sharci adag oo dhiirigaliya wax soo saarka dalka

2-    Inay helaan biyo xidheeno lagu waraabiyo beeraha

3-    Inay helaan siidhadh kala duwan (HYVS) High yielding varieties

4-    Helida dawooyinka cayayaanka lagaga hortago (Insecticides)

5-    Reform dhamaan dhulka wax lagu beero sida Carada iyo iwm

6-    In kor loo qaado tayada dhulka tuulooyinka iyo miyiga

7-    Isticmaalida bacarimiyayaasha cilmiyaysan ee sida degdega ah wax loogusoo saaro

8-    In la helo awood dhaqaale oo taageera siisa maalgalinta ganacsiga beeraha

9-    In la helo mashiino casriya oo wax lagusoo saaro

 

 

Faaiidada ay k  a gaadheen :

  1. Isbadal xoogan oo wax soo saarkii dalkooda kor uqaaday ilaa heer suuq gayn baaxad leh oo dibada ah  (outside market).
  2. 1949-1950 wax soo saarka beeruhu waxay ahaayeen 50 million tones oo aan iyagaba ku filnayn ilaa uu gaadhay 1978, 131 million tones sidoo kale 2013 wuxuu gaadhay 259 million tones

III.            Maanta Waa wadama ugu horeeya dhoofinta bariiska, qamadiga

  1. Shaqalaaha india oo dhan ka shaqeeyaa 49% waxay ka shaqeeyaan beeraha
  2. GDP Wadanka 38% beeraha ayaa kazoo baxaan

Sidoo kale dadka reer india waa dad kufaar iyo gaalo u badan 80% hindus 12% muslim 5% ku dhawaad waa Christian 2% waa dadka aan waxba aaminsanayn laakiin sharci adag ayay samaysteen ay kaga baxaan baahidaas iskuna xukumaan.

Somaliland waxaa dad ahaan ku nool  4 million ilaa 4.5 waxaanay leedahay dhul hodan ku ah falida beeraha, dhaqaalaha wadanku waa mid xaalado adag ku jira (Humanitarian crisis) sidoo kale waxaa caalamka aynu ka helnaa oo an badnayn mucaawinooyin (international aid).

Shaqo la’aantu waa xad dhaaf 80% dhaqdhaqaaqa ganacsina waa mid bagaash ama agab dibada inagaga yimaada oo ay tayadoodu liidato cuntooyinka la inoo keenaana waxay sababeen caafimaad darro.

Nidaamka dawliga ah ee dhinaca dhaqaaluhu wuxuu tilmaamaa in Bangiga dhexe ee dawligii dajiyo xaaladaha sixir bararka (Economic crisis) balse bangiga Somaliland waa mid magac u yaal ah, lacagaha ugu badan waxaynu ku isticmaalnaa qaadka oo billkasta Malaayiin dollar oo cash ah ay u dirno Dalka Ethopia

Waa imtixaan inaynu baryadaas kusii jirno inaynu cid aan masuuliyad iska saarayn baahiyaheena caleema saarno madax u doorano waxay inagu kalifeen in ay inakala qayb qaybsadaan qabaail inoo kala dhigaan dad islaama oo caqiido leh baynu nahay intay kufaartii dhagaxaanta caabudaysa garatay maynu garanwaayin laakiin waa imtixaan beenta inaynu sii dugsanaana waa halaag iyo aakhiro seeg

Xalku waa maxay :

Gunaanadku waa sidee xalkeeda u heli karnaa

  1. Waa in baahideenu inaga kicisaa dulmiga sharci adag oo masuuliyiinta xakameeyana ku adkaynaa in la helo .
  2. Culumada, dhalinyarta iyo inta ilaahay ka cabsanaysaaa u kacdo dadkan tabaalaysan

III.            Waa in policy qaran laga gaadhaa wax soo saarka beeraha

  1. Waa in abuurno goobo cilmi baadhis (research institutions) oo kor loogu qaado sidii lagu horumarin lahaa wax soo saarka dalka
  2. waa in laga faaidaysto roobka oo biya xidheeno la sameeyo
  3. in la helo machines ama qalabyada sida degdega ah uga qayb qaata waxsoo saarka

VII.            in masuuliyada u dhiibano cid inoo shaqaysa balse aan inaga shaqaysan, cid isku keen haysa aan ina kala jajabin bari ilaa galbeed , waa inaynu wax ku doorano daacadnimo, karti ,wadaniyad kaasaa ehel inoo ah laakiin qabiil waa jaahilnimo ee hadalka uun yaan lagu diidinee caqliga iyo qalbigaba halaga diido

gunaanadka qoraalkaygani waa guubaabo caqliga iyo damiirkuna in waano u noqoto sidoo kale international aid ku waa dabargoynta dad wax qabsada waayo abaarihii waa ay u taagnaayeen waxaanay yidhaahdaan (Assesment) ayaanu wadnaa marka roobku yimaadana halkii dadku wax ka qabsan lahaayeen raashin ayay u keenaan .

ma rabo inaan sii taraaro dareenkayga oo qiiraysan awgii waayo mawduuca noocan ahi waa mid aad u la yaab badan dhibta ina haysata xalkeedu inaga gacanteena ayay ku jirtaa ilaahay ha ina garansiiyo wanaaga iyo wadaniyada Ameeeen

Qoraa: Ahmedyasen sh Cumar Ahmed fure

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.