Ciidamada Dab-damiska Somaliland oo Badbaadiyey Dad iyo Gaadhi Dooxu Hargeysa La Tagay

Hargeysa – (warsoor) – Ciidamadda Dab-damiska Somaliland ayaa soo badbaadiyey saddex qof iyo gaadhigii ay wateen oo dooxa Hargeysku qaaday xalay xilli ay isku dayeeen inay ka talabaan dooxa shiraacle ee magaaladda Hargeysa.

Dadkan dooxa qaaday ayaa wattay gaadhi siday qaad waxaanay isku dayeen inay ka talabaan dooxa weyn ee magaaladda Hargeysa gaar ahaan waddada shiraacle ee bariga magaaladda Hargeysa.

sawaaxilTaliyaha ciidamada dab-damiska Somaliland Axmed Sawaaxili oo ka hadlay hawl-galka ay ciidamadiisu ku soo badbaadiyey dadkan dooxu qaaday ayaa sheegay in ciidamadiisu ay ka soo badbaadiyeen dadkan dooxu qaaday agagaarka huteelka maroodi-jeex oo qiyaasii u jiray goobta uu ka qaatay dadkan ilaa hal kiilomitir.

Taliye Axmed Sawaaxili ayaa ugu baaqay dadweynaha ku soo uruura goobaha shilalka daadadku ka dhacaan inay ka fogaadaan si hawl-galka ciidamadda uu ugu fududaado.

Taliyaha ayaa ugu baaqay dadweynaha in aanay nafahooda ku biibay dooxyadda waaweyn marka ay soo rogmadaan.

Ugu dambayntii Taliyaha ciidamada dab-damiska Somaliland wuxuu ugu baaqay dadweynaha ciddii u baahan gargaar degdeg ah inay kala soo xidhiidhaan lambarka gurmadda degdega ah ee dab-damisa oo ah 990.

taliyaha_dab-damiska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Ciidamada Dab-damiska Somaliland oo Badbaadiyey Dad iyo Gaadhi Dooxa Hargeysa La Tagay