Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Xanuunka Karoona Dalka Ku Jiro Dad Badana Baadhitaan Lagu Sameeyey

Hargeysa – (WARSOOR) – Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in Cudurka Halista ah ee dhibaatada badan dunida ku haya wakhtigan ee Koroona Faras uu dalka ku jiro walaac weyna ay arrintaasi ka qabaan iyada oo dhinaca kale sheegtay in ay jiraan dad badan oo cudurkaasi looga shakisan yahay oo baadhitaano lagu sameeyey natiijada baadhitaankoodana la shaacin doono marka ay soo baxaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo shalay ka hadlayay xaflad lagu qabtay Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi sidan: “Xanuunkani Somaliland wuu ku jiraa. Kuwo hore oo qabayna sidii hore loo sheegay wasaaraddu way sheegtay. Haddana ugu yaraan 20 qof ayaa maqan oo aannu natiijadoodii filaynaa in la keeno. Waxa caddayn doonta marka ay soo gaadho wasaaradda Caafimaadka laakiin waxaanu sheegaynaa in ay maqan yihiin. Waxa aan doonaynaa in aanu arrintan si dhab ah u qaadano oo aynu ka dayno dhayalsiga iyo marka ay dawladdu awaamiir bixiso sida aan loogu dhago nuglayn. Soomaalida oo ay Somaliland ku jirto waxa lagu qiyaasaa in Yurub dadka ugu dhimanaya ay ugu badan yihiin. Haddii ay tahay Norway, Sweden, Ingiriiska iyo meelo kaleba waxa lagu qiyaasaa dadka ugu dhimashada badan.

Waana dadka tiro ahaan ugu yar ee ku nool dalalkaasi. Waxa arrintaasi keenaya dadka Soomaalida oo aan dhagaysan farriimaha iyo talooyinka caafimaad oo iska dhego tira. Tiraba saddex jeer maan maqlay dad masuuliyiin ah oo dalalkasi ah oo maagaya Soomaalida sida aanay u maqlayn awaamiirta la siiyo dadka ay la nool yihiin”. Ayuu  yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.