Xukuumada Somaliland oo Shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Hargeysa – (Warsoor) – Xukuumadda Somaliland ayaa Isniintan maanta ah shaacaha ka qaadey in 3 qof laga helay xanuunka Coronavirus oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Shir jaaiid oo maanta ay si waddaa jir ah u qabteen wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somalilan ayaa ay ku sheegeen in baadhitaanado dalka dibadiisa laga soo sameeyey 24 qof oo xanuunkan looga shakiyey ay 3 ka mid ahi noqdeen Positive ama laga helay Xanuunka.

Saddexdan qof ayaa laba ka mid ahi ku sugan yihiin magaalada Hargeysa halka halka qof ee kalena ku sugan yahay Boorama.