Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Heshiiska Dhex Maray Xukuumadda iyo Shirkadda Dubai Ports

Hargeysa – (warsoor) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in heshiiskii ay la gashay shirkadda dekedaha ka shaqaysa ee Dubia ports inuu yahay mid faa’iido weyn u leh umadda gobolka geesk Afrika ku nool oo dhan.

Wasiir_SacadXukuumadda Somaliland ayaa wefti garab socday weftigii madaxweynaha Somaliland u dirtay magaaladda Dubia si ay heshiis ula gaadhaan shirkad ka shaqaysa horumarinta dekedaha. Weftigan ayaa ka koobnaa Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyadda Maxamud Xaashi, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Shoombe iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-soor.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in heshiiska ay galeen Shirkadda Dubia Ports uu faa’iido weyn u leeyahay ummadda gobolka ku nool oo dhan, ummadda badanina ay ka heli doonto shaqooyin badan, waddankan ay horumar balaadhan gaadhsiin doonto

Halkan ka daawo warkaas:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.