Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Ka Jawaabay Eedayn Warbaahinta Uga Timid

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sabtidan maanta ah shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxaanu jawaab ka bixiyey eedayn uga timid warbaahinta qaarkood.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacgyi-galinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta qaarkood oo lagu sheegay inuu lunsaday lacagtii warbaahinta loogu talo-galay ee xuska 18 May ee sanad-guuradda 25-aad ee Somaliland.

wasiir-cadaani

Wasiirka ayaa sheegay in warkaasi aanu waxba ka jirin lacagta wasaaradda soo gaadhayna ay aad u yartahay, gacanta uu ku hayo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Waxaan idiin cadaynayaa budget-kaa wasiir ku-xigeenkaa gacanta ku haysa, midhmidh buu u bahalaysan yahay, budget ay wasaaraddu leedahayna shilin igama soo galo aniga, ee wasaaradduun buu dib u galaa. Intaa yar ee 18 May loo qoondeeyeyna ee aan leeyahay naguma filna, ilaa goboladda ciyaaraha ka imanayayo, kuwa ruwaayadaha dhigayayo, nidaamyadda, wax ku filanba maahee maxaa wax loo eegaa”, Sidaasi waxaa yidhi Wasiir Cadaani.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in aanu ka hadhaynin warbaahintii baahiyey warkaas uu ku sheegay been abuurka waxaanu ku nuuxnuuxsaday inuu maxkamad la tiigsan doono warbaahintii baahisay warkaasi, warbaahin dambe oo cid iska cadaydana aanu sidaa lagu dhaafi doonin ee maxkamadd lala tiigsan doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.