Wasaaradda Shaqo-gelinta, oo si Rasmi ah u soo Gunaanaday Madasha Bah-wadaagta Mashruuca Lead

Hargeysa – (WARSOOR) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Cabdirashiid Ibraahim, ayaa si rasmi ah u soo gunaanaday madasha bah-wadaagta mashruuca LEAD oo ka socday huteel Maansoor, Hargeysa.

Ujeeddada madashu waxa ay ahayd sidii wada-shaqaynta u dhaxeysa bah-wadaagta mashruuca iyo hay’adaha maxaliga ah ee la shaqeeya kor loogu qaadi lahaa.

Waxa goob-joog ahaa dhallinyarada ka faa’iidaysatay mashruucan.

Madasha waxa lagu soo bandhigay dood-cilmiyeedyo ay ka mid ahaayeen:

Doodda 1aad: Helitaanka dhaqaale ee ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe (Access to finance, SME’s and Startups).

Doodda 2aad: Xirfadaha, shaqooyinka iyo is-bedellada suuqa (Skills, Jobs and Market Trends).

Doodda 3aad: U doodida iyo ololayaasha kor loogu qaadayo codka dhallinyarada (Influencing advocacy, and Campaigns to Amplify youth Voices). Lead Forum 2020.