Golaha Guurtida Somaliland oo 11-mudane u saaray Xeerka shaqaalaha Rayidka ah

Hargeysa – (warsoor) Golaha guurtida Somaliland, ayaa guddi ka kooban 11 xildhibaan u saaray isku soo dubaridka wax-ka-baddelka xeerka shaqaalaha rayidka ah, oo ka soo gudbay golaha wakiillada sรฒona gaadhay guurtida.

Guddidan ayaa ku soo beegantay xilli ay dhawaan ka doodeen mudanayaasha golaha guurtidu  xeerkan shaqaalaha rayidaka ah, islamarkaana ay badi mudanayaashu ku taliyeen in guddi loo saaro.

Halkan ka akhriso liiska mudanayaasha loo saaray ka soo talo bixinta wax ka baddelka xeerka shaqaalaha rayidka ah.