Hoggaamiyaha WADDANI oo Ka Hadlay Tabashada Reer AWDAL

Hargeysa – (warsoor) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Cabashasda Saami-qaybiga ee Bulshada Gobolka Awdal.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay waxqabadka Xukuumadda ee saddexdii sanadood ee u dambeeyay iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Xirsi oo u warramay Weriye Khaalid Foodhaadhi ayaa ugu horrayn ka jawaabay su’aal la xidhiidha Cabashada reer Awdal ka qabaan Saami-qaybsiga iyo waxa Xisbiyada Qaranku arrintaa ka qaban karaan isla-markaana aanay iska dhego-marin, waxaanu yidhi  “Saami-qaybsiga Xisbiyadu shaqo kuma laha, waa arrin u taalla Xukuumadda iyo guud ahaan Qaranka, laakiin wax gaar ah oo arrintas ah oo gacanta Xisbiga ku jiraa ma jiro oo aad wax iga waydiiso.”

Hoggaamiyaha WADDANI oo la waydiiyey waxay Talo iyo fikir uga geysan waayeen xal u helidda muranka saami-qaybsiga, maaddaama oo hore ay Shacabka reer Awdal u sheegeen in aanay diwaangelinta galaynin haddii aan Xal loo helin muranka Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, waxaanu ku jawaabay “Maya, Shuruuc baa lagu shaqaynayaa oo Xeer baa soo baxay, markaa fikrad way ka reeban tahay wax Xeer ka yaallo, cabatinkoodiina waalla dhegaystay, annaguna waanu ixtiraamaynaa cabatinkooda iyo dareenkooda, dareenkaana bulsho gaar ah baa qabta, waxayna tahay in la eego oo la tixgeliyo, laakiin Xirsi ahaan iyo xisbi ahaan maaha Ciddii eegaysay, su’aashaana waa inaad waydiisaa Xukuumadda iyo Xubnaha Dawladda.”

Hoggaamiye Xirsi oo la waydiiyey inay dhaliilsan yihiin Waxqabadka Xukuumadda ee saddexdii sanadood ee ay xilka haysay ayaa ku jawaabay “Waanu dhaliilsanahay, Waayo? Filashadii guud ahaan Bulshada iyo Barnaamijkii ay dhigteen midna ma waafaqin, wax ay qabteen oo la taaban karo maanaan arag (Xukuumaddu)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi uu qirtay dhaliil uu xisbiga WADDANI ugu jeediyey Waxbarashada  “Madaxweynuhuna wuu ii qirtay inay jiraan dhaliilahaasi.”

Xirsi oo la waydiiyey inay houmar siyaasadeed tahay Safarradii uu Madaxweynuhu ku tagay Dalalka Gini ka mid tahay, ayaa ku jawaabay  “Gini iyo qaar la mid ah hore waa loo tagay oo Madaxweyneyaashii ka horreeyay way tageen, maaha wax cusub oo aynu nidhaahno xidhiidhkii Caalamiga ahaa bay waxaa ku kordhisay, mana jirto Saaxiibtinimo soo kordhaysa, Matalan Dal la booqday waalla booqday oo waa booqasho keliya, laakiin haddii Saaxiibtinimo soo korodho, wax iswaydaarsano, arrin dhaqaale ama arrin siyaasadeed ama arrin diblumaasiyadeed, wuxuun aynu iska kaashano waxa la odhan karaa waxbaa horumaray, haddii laga tagi waayo Taiwan oo xidhiidhkeeda ay Xukuumadihii tan ka horeeyay bilaabeen Xafiis bay halkan (Somaliland) ka furatay, Xafiiskaas baa jira wax soo kordhay, Xafiiskaasina waa Xafiis Dawlad aan la ictiraafsanayn.”

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la waydiiyey siduu u arko hadal uu Madaxweyne Muuse Biixi kaga hadlay Khilaaf siyaasadeed oo ka dhex jira Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee xilalka ka haya Soomaaliya, ayaa wuxuu ku jawaabay “Waxaan u arkayey inaanu ahayn hadal Munaasibad ah, laba arimoodba Munaasibad uma ahayn, marka koowaad Dawladaha la isma faro-geliyo, midda labaadna Dadkii innaga Somaliland ahaan innaga tagay ee halkaa tagay ee aynaan diran, Muuse haddaanu diran sabab aynu u kala xigsano ma jirto, Cabdi Xaashi iyo Cidii kale ee hadashaba, maaddaama oo aynu mar walba leenahay innama matalaan.” Ayuu yidhi