Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Kiisas Cusub Oo Cudurka COVID-19 Ah

Hargeysa – (wasoor) – Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in lix qof oo cusub laga helay xannuunka Coronavirus, 24-kii saacadood ee u dambeeyay, iyadoo aanay jirin wax dhimasho ah oo ku soo kordhay tiradii hore oo ahayd 28 qof.

Warbixinta wasaaradda caafimaaka waxa lagu sheegay in 24-kii saacadood ee u dambeeyay 68 qof laga baadhay xanuunka Covid 19, kuwaas lix ka mida laga helay, kuwas oo shan ka mid ahi rag yihiin, halka midka kalena dumar tahay, iyadoo da’adooduna u dhaxayso labaatan jir illaa sagaal iyo afartan jir.

Sidoo kale warbixinta wasaaradda caafimaadka waxa lagu sheegay in xannuunka Coronavirus ay ka bogsadeen sideed qof, taas oo tirada guud ee dadka ka bogsaday xannuunkaas ka dhigaysa 156 qof.

Ugu dambayn wasaaradda horumarinta caafimaadku waxay bulshada ka codsaday inay ilaaliyaan nadaafadda guud, isla markaana ay kala fogaadaan kana taxdaraan halista xannuunka Covid 19 uu leeyahay, cidii isku aragta astaamaha xannuunkaasina ay iskarantiinto si ayna ugu gudbin bulshada inteeda kale.