Jamhuuriyadda Jabtouti Oo Somaliland KU Hambalyeysay Munaasibadda 60 Sanno Guuradda Markii Ay Somaliland Xornimadeeda Ka Qaadatay Boqortooyadda Ingiriiska 26 June 1960

Hargeysa – (warsoor) – Safiirka dawladda Jabouti u fadhiya caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa  Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa Jamhuuriyadda Somaliland madax iyo shacab-ba ugu hambalyeeyey , munaasibadda 60 sanno guuradda kasoo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay wadanka Ingiriiska.

Safiirka oo warbaahinta kula hadlaayey safaaradda ay Jamhuuriyadda Jabouti ku lee dahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ayaa shacabka iyo madaxda Somaliland ku bogaadiyey munaasibadda  26 June oo ku beegan maalintii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay boqortooyadda dalka Ingiriiska.

Waxa uu Safiirka dalka Jabouti Md  Xuseen Cumar Kawaaliye sheegay in uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumaddoodaba Hambalyo u diraayo isaga oo ku hadlaaya Magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabouti  Md Ismaaciil Cumar Geelle ,Marwadda Kowaad ee dalka Jabouti, Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabouti iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabouti, isaga oo ugu hambalyeey xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabka reer Somalilandba sannad guuradda 60-naad ee kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay boqortooyadda Ingiriiska 26-kii June 1960-kii.

Safiirka ayaa shacabka reer Somaliland Ilaahay uga baryey inay sannado badan oo kale barwaaqo  ku gaadhaan , waxa uu sidoo kale ku amaanay Jamhuuriyadda Somaliland sidii ay u xakamaysay xanuunka COVID-19 oo uu sheegay in ay ahayd mid geesinimo leh.