Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Heshiiskii ay Somalia kula Gaadheen Jabuuti

Hargaysa – (warsoor) – Waxaa Caawa Qasriga Madaxtooyadda JSL ee Caasimadda Hargaysa lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo loogu dabaal degayo Xuska 60 Guuradii ka soo wareegtay Markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26-kii bishii June 1960-Kii.

Munaasibadan qaran waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Shirgudoonka labada gole ee baarlamaanka Somaliland, Hoggaanka xisbiyadda qaranka, madax ka socota sadexda gole qaran iyo dublamaasiyiin shisheeye ah oo lagu soo marti qaaday.

Ergayga Somaliland u qaabilsan wada hadalada u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somalia Drs Edna Aadan Ismaaciil oo halkaasi ka hadashay ayaa faahfaahisay xornimadii ay JSL ka qaadatay Boqortooyadda Ingiriiska. Waxa kaloo Marwo Edna Aadan ay sheegtay inay mucjiso aheyd hannaankii ay Somaliland u sameysay dib u heshiisiinta iyo dawladnimada JSL ku naaloonaysay rubucqarnigii u dambeeyey.

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jowhar oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee dalka ayaa ka taariikheeyey marxadihii Somaliland soo martay soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanu sheegay in JSL ku guulaysatay nabadeynta markii siyaasiyiintii dalku ay noqdeen qaar bisil oo uga dambeeyey hawlihii nabeynta. Waxa kaloo uu caddeeyey in shirkii Burco ee lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ay waxgaradka beelaha Somaliland oo dhammi u dhammaayeen.

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jowhar waxa uu madaxdhaqameedka ugu baaqay in ku ekaadaan xilka iyo waajibaadka ballaadhan ee ay ummadda u hayaan, isla markaana wixii tallooyinka ay Xukuumadda siinayaan ay noqdaan qaar hufan oo aan karaamo iyo lexjeclo leh.

Waxa kaloo, Sheekh Cabdilaahi uu Xukuumadda u soo jeediyey inay joojiso hannaanka ah in qabyaalad wax lagu qaybsado, taasi oo uu tilmaamay inay qaranka ku tahay hadimo. Waxa kaloo uu ku booriyey Madaxweynaha in xoogga la saaro sidii loo xoojin lahaa wax-soo-saarka dalka.

 Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo ku timid rabitaanka shacbiga, waxaanu tilmaamay in wadahadalka inoo dhexeeya Soomaaliya ay Somaliland ka leedahay hadaf cad oo ah inaynu noqonno laba dal oo jaar ah oo isgacan qabta.

 Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi oo xafladaasi ka hadlay ayaa shacbiga JSL  ku bogaadiyey munaasibadda 60 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimadoodii ka qaateen Boqortooyada Ingiriiska 26kii June ee sannadkii 1960kii. Waxanu caddeeyey inay Ujeeddada shacbiga Somaliland aheyd in la middeeyo shanti Soomaaliyeed, waxaanu xusay in aanay jirin xilligan sabab ay Somaliland kaligeed ula midowdo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in soddonkii sannadood ee Somaliland ay ka tirsanayd Soomaaliya ay ka qataneyd horumarkii iyo kaabeyaasha dhaqaalaha isla markaana yuhuuntii wanaagsaneyd ee reer Somaliland loogu abaalceliyey burburin.

Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu intaas ku daray in soddonkii sannadood ee Somaliland ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya ay guullo badan ka gaadhay dhinacyada nabadeynta, dawlad dhiska iyo horumarka noocyadiisa kala duwan. Waxaanu sheegay inay ballaadhisay kaabeyaasha dhaqaalaha  sida Waddooyinka isla markaana ay gaadhay horusocod dhaqaale iyo mid ganacsi.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Waddooyinka waaweyn ee ay sameysatay ay ka mid tahay jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo imika ay ka dhiman tahay 50kii kiiloo mitir ee u dambeeyey.

Madaxweynuhu wuxuu  tilmaamay in Somaliland ay horseed ugu tahay Afrika dhinaca dimuqraadiyadda oo ay saddex madaxweyne cod dadweyne lagu kala beddelay, taasina aanay suurtogal ka aheyn inta badan dalalka Afrika. Waxa kaloo uu xusay inay Somaliland hal-abuurka shirkadaheeda ganacsi ay gaadheen heer ay majeertaan dalalka Yurub ee horumaray.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in wadahadalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya uu ku bilaabmay laba dawladood oo siman isla markaana uu ku dhammaan doono labada dawladood oo siman.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in dhinacyada dhaqanka iyo Ciyaaruhu haddii ay tagayaan Somalia ay ku safri karaan oo keliya iyagoo sita Baasaboorka iyo calanka Somaliland wixii intaas ka baxsanina ay tahay qayrul sharci waxaanu intaas ku daray in arrinta ganacsiga iyo isku socodka dadka caadiga ahi ay markii horeba jirtay.

Madaxweynuhu ugu danbayn waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada qaranka .