Wasaaradda arrimaha gudaha JSL oo Si Rasmi ah u Kala Xadaysay Degmada Hargeysa iyo Sallaxley

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda arrimaha gudaha JSL ayaa si rasmi ah u kala xadaysay degmada Hargeysa iyo Sallaxley Barta Kaantaroolka dagmada Sallaxley ee taalay duleedka Hargeysa iyadoo u rartay goobta layidhaahdo meterka.

Waxana goobta loo yaqaano meterka ka dhagax dhigay dhismaha ama Kaantaroolka kala xadaynta dagmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley Maamulka gobolka Maroodijeex kan dagmada Sallaxley Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo xubno kamid ah golaha wasiirada.

Deegaanada Toon,Maadhyaal, Xadhig xadhig, Galoole, iyo Jagac ayaa hadda waxii ka dambeeya maamul ahaan hoos tagi doona caasimadda Hargeysa.

Maayirka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa halkaasi ka balan qaaday deegaanadan kusoo wareegay caasimadda ee meterka ka sokeeya oo markii hore hoos tagayay Sallaxley in waxii xaquuqdooda ah ay ka heli doonaan caasimadda Hargeysa isagoo mashaariic cusub ka dhagax dhigay Toon isla markaana kormeer ku sameeyay deeganadaasi.