Shaambooga Dove oo laga helay Kansar

Shirkada Shaambooyada “Unilever United States” ayaa suuqa ka saartay Shaambooyaddeedii sida Shampooga Dove, Nexxus, Suave, TIGI (Rockaholic iyo Bed Head), iyo TRESemmรฉ sababtoo ah heerka maadada sunta ah ee benzene oo sarreeya.

Benzene waa maado kansarka ku keenta aadanaha. Waxay kugu soo gaadhi kartaa neefsasho, liqid, iyo maqaarka oo ay marsanto.

Waxay keeni kartaa kansarka uu kamid yahay kansarka dhiiga (leukemia), kansarka dhiigga ee dhuuxa lafta iyo cilladaha kale ee dhiigga kuwaas oo noloshaada khatar gelin kara. Sida ay baahiyeen qaar kamid ah Warbaahinta Caalamka (CNN iyo Bloomberg).