Barta xiriirka bulshadda ee whatsapp oo cilad ku timi

MUQDISHO – (WARSOOR) – Barta xiriirka bulshadda ee whatsapp ayey ku timid cilad guud oo dunida oo dhan ah,ciladan ayaa saamaysay malaayiin dad ah kuwaas oo kala jooga daafaha dunida kana mid ahaa macaamiisha isticmaasha adeegga whatsapp oo ka mid ah kuwa ay leedahay shirkadda meta oo loogu isticmaal badan yahay.

Ciladdan ayaa sababtay in aanay macaamisha is wici Karin sidoo fariimaha qoraalka,sawiradda iyo videos-ka isku diri Karin.

Shirkada Meta oo ka hadashay ciladan timid ayaa sheegtay in ay xalinayaan sida ugu dhakhsaha badan sida uu warbaahinta la wadaagay Afhayeenka shirkadda Meta.