Wararkii ugu dambeeyay ee magacaabidda Golaha Wasiirada

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Rooble ayaa ku guda jira maalmihii ugu dambeeyay ee magacaabidda Golihiisa Wasiirada, inkastoo aad mooddo inuu ka raagay/daahay soo magacaabidooda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa 23-kii bishii September codka kalsoonida ka helay Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoo isla xilligaasi lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka. Maalintaas ayayna uga bilaabatay soddonka maalmood, ee ay tahay inuu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Wararka laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in xalay uu Ra’iisal Wasaare Rooble kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla-markaana ay ka wadahadleen magacaabidda Golaha Wasiirada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wejiyo cusub ay ka soo muuqan doonaan Golaha Wasiirada, marka laga soo taggo inay soo noqon doonaan qaar ka mid ah Golihii Wasiirada ee Xukuumadda Xasan Cali Khayre.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Rooble oo muddo xileedkeedu uu kooban yahay ayaa shaqada ugu weyn ee hortaala waxay tahay hirgelinta heshiiskii doorashooyinka dalka, ee ay dhawaan Magaalada Muqdisho ku wada gaareen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Rooble ayaa ballanqaaday in doorashada ku qabsoomi doonto xilligii loogu talagalay, isagoona meesha ka saaray wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara.