Madaxwaynaha Somaliland Oo Ka Qayb Galay Xaflada Qalin Jabinta Dufcadii 10-aad Ee Jaamacada Burco

Hargeysa – (warsoor) – Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa maanta ka oo Ka qayb galay xaflada qalin jabinta Dufcadii 10.aad ee Jaamacada Burco.

Madaxweynaha oo munaasibada khudbad ka jeediyey ayaa ka hadlay Kiiskii dilka ahaa ee lagu dilay Ugbaad oo ahayd haweenay reer Burco,

“Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa , gaar ahaan ardeyda maanta ka qalinjabinaysa jaamacadda Burco, gaar ahaan haweenka, dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardeyda qalinjabinaysa jaamacadda, Waxaanan farayaa hay’addaha garsoorka in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo, balana waxaan ku qaadaya inaan hore ka fuliyo marka uu isoo gaadho”

La soco warka oo dhan goor dhaw

Dawannews Hargeysa office