Tedros, Afrikaankii ugu horeeyay ee Madax ka noqday WHO

Ethiopia – (warsoor) – Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa noqonaya Ninkii u horeeyay ee u dhashay Afrika ee loo doorto Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, kadib markii uu helay Codadka 186 Dowladood.

Tedros, oo u dhashay Ethiopia  ayaa badali doona Margaret Chan oo soo heysay xilkaan tan iyo sanadkii 2007.

Hadal uu jeediyay doorashadiisa kadib ayaa waxa uu ku balan qaaday in uu la macaamili  doono xaalad kasta oo caafimaad oo degdeg ah oo hadda jirta iyo mid imaan karta mustaqbalka.

“waxaan sidoo kale difaaci doonaa xuquuq fuqarada, waa waajib in lala yimaado Ceymiska Caafimaadka, mana raaxeysan doono ilaa aan ka xaqiijino midaas” ayuu yidhi.

Agaasimaha cusub ayaa xilal sare kasoo qabtay Dalkiisa, isaga oo soo noqday Wasiirka arrimaha Dibadda oo laga qaaday sanadkii 2016, waxaana ka hor uu soo noqday Wasiirka Caafimaadka.

Outgoing Director-General Margaret Chan (L) poses with Tedros Adhanom Ghebreyesus after his election as Director General of the World Health Organization (WHO) during the 70th World Health Assembly in Geneva, Switzerland, May 23, 2017. REUTERS/Denis Balibouse

Waxaa la aamisan yahay in mudadii uu hayay xilka Wasiirka Caafimaadka in wax badan uu ka qabtay Caafimaadka, isaga oo sare u qaaday Xarumaha Caafimaadka ee Ethopia

Hase ahaatee waxaa  jirtay dood laga keenay doorashada Tedros Adhanom, iyada oo lagu eedeynayo in uu ka fashilmay intii uu ahaa Wasiirka Caafimaadka  in uu la tacaalo kiisas Caafimaad, inkstoo taageerayaashiisa ay beeniyeen eedahaas.

Waxaa kale oo ay cuskanayaan kuwa mucaaradsan doorashadiisa in uusan mudneen xilkaan in uu kasoo jeedo dal aan laga tixgalin aragtida Qof iyo xuquuqda aadanaha.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.