Somaliland oo Maxkamadda aduunka Horgaysnayso Dawcad Sharci oo la Xidhiidha Aqoonsiga dalka

Baariis (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa Maxkamadda Aduunka horgaynaysa dacwad sharci oo la xidhiidha Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo in muddo ah halgan ugu jirtay sidii ay u heli lahayd.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo ku sugan dalka Faransiiska ayaa ka hadlay qadiyada Somaliland iyo juhdiga loogu jiro sidii uu Qarankani mar uun u heli lahaa Aqoonsiga iyo madax bannaanid uu xaqa u leeyahay.

Wasiir Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in ay ka Xukuumadda ahaan ay qabsadeen Sharci yaqaano caalami ah kuwaasi oo maxkamadda aduunka horteeda ka difaaci doona dooda sharci ee qadiyada Ictiraafka Somaliland iyo sidii uu dalkani aduun waynaha uga heli lahaa aqoonsi buuxa.

Wasiirka ayaa sheegay in sharci yaqaanada caalamiga ahi ay dhammeeyeen dooda sharci ee Somaliland isla markaasina ay horgayn doonaa maxkamadda Aduunka iyo meel kasta oo looga baahdo.

Wariiska Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo ka hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay inuu faa’iido wayn u leeyahay Somaliland, kaasi oo uu sheegay inuu dooda sharci ee Somaliland kaabis u noqonayo kana turjumayo dooda sioyaasadeed ee Somaliland.

Ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku joogay dalka Faransiiska ayaa kulamo kala duwan la qaatay dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, kuwaasi oo ay ita badan ka wada hadleen xidhiidhka Somaliland iyo Faransiiska iyo sidii loo xoojin lahaa, sidoo kale wasiirka ayaa la kulmay bulshada reer Somaliland eek u nool dalka Faransiiska, kuwaasi oo uu wasiirku ku booriyay inay ka qayb qaataan sidii looga dhabayn lahaa gaadhista halka loo socdo oo ah in dalkan la aqoonsado.