Xasuuq cusub oo lagu fuliyay Falastiiniyiin gaajeysan  oo sugaayey gargaar

GAZA – (WARSOOR) – Ugu yaraan 20 falastiiniyiin ah ayaa la dilay in ka badan 150 kalena waxaa lagu dhaawacay waqooyiga magaalada Gaza ka dib markii Israa’iil ay weerartay dad badan oo sugaayey gargaar bini’aadantinimo.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku tilmaantay weerarka xasuuq cusub oo horay loo sii qorsheeyay,kadib markii diyaarad helicopter ah oo Israa’iil ah ay rasaas ku furtay gargaar doonka Gaza

Senetarka Maraykanka Chuck Schumer ayaa ku baaqay doorasho cusub oo ka dhacda Israa’iil, isagoo ku tilmaamay xukuumadda hadda jirta in ay tahay “xagjir” iyo in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu sidoo kale caqab ku yahay nabadda.

Ugu yaraan 31,341 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 73,134 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.