Komishanka Maamul Wanaaga Qaranka oo Hortagay Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiillada

Hargaysa – (WARSOOR) – Guddida cusub ee Dhaqaalaha Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiiladda Jsl oo uu hogaaminayo guddoomiyaha guddida mudane Xuseen Ismaciil Jaamac ayaa kulamo is-barasho ah la qaatay Komishanka Maamul Wanaaga qaranka oo uu hogaminayay guddoomiyaha komishanku mudane Liiban Ismaciil Cabdillahi.

Ujeedka kulankan ayaa daarnaa sidii loo dar dar galinta hawalaha shaqo ee guddida iyo laamaha dawaladda.

Intii kulanku socday waxa la isla soo qaaday sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac iyo sidii danta qaranka meel looga soo wada jeedsan halaa.

Komishanka Maamul wanaaga qaranka ayaa dhankooda uga warbixiyay guddida shaqada culus ee ay qaranka u hayaan iyo waajibaadka saaran inay oofiyaan.

Geesta kale guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga golaha wakiilada ayaa ku boggaadiyay Komishanka shaqada xoogan ee ay qaranka u hayaan.

Gebo’gabadii kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi dagan waxaana la isla qaatay in ay labada dhinac ay yeeshan wada shaqayn dhow.