Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhaween Ah Magaalada Burco Ugu Qabtay Taageerayaal Baaxad Leh Oo Ka Soo Digo Rigtay Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE

Burco – (warsoor) – Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta magaaladda Burco ku soo dhaweeyey taageerrayaal ka soo goostay maanta xisbiyadda KULMIYE iyo waddani.IMG_1060 IMG_0995

Xafladdan oo ahayd mid ilyartu is qabtay isla markaana loo soo agaasimay si heer sare ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Wafti balaadhan oo ka soo kicitimay Hargaysa oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, kaas oo ay xubno ka masuuliyiin ay ka mid yihiin Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Ee Xisbiga Mudane C/qani Salaf, Afhayeenka Guud ee Xisbiga Ucid Maxamed Xasan Shabaash, Xoghayaha Golaha Fulinta Axmed Kuwiik , Xoghayaha Dhalinyarada Ee Ucid C/shakuur Bidhaan, Sidoo kale waxaa munaasibaddani ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Ee Ucid Mudane Aadan Dirir, Madaxda Xisbiga Ucid Ee Gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag iyo Taageeraal kale .

IMG_0995

Sidoo kale waxaa Xafladdan ku sugnaa Garabyadii Haweenka Iyo Dhalinyarada Ee ka soo Digo Rogtay Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE ee ku soo biiray Xisbiga UCID.

Waxaana ugu horeen Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Todheer Ee Xisbiga Ucid Aadan Dirir Waxaanu si kal iyo Laab ah u soo DHaweeyay Taageerayasha ku soo biiray Xisbiga Ucid .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu aad ugu Faraxsanyahay Taageerayashan iyo Garabyada miisaanka leh Gobolka Togdheer ee ku soo biiray Xisbiga Ucid.

Madaxda Xisbiga Ucid Ee Heer Gobolka Gobol iyo Heer Degmo Ee Gobolada Bariga Somaliland oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si farxadi ka muuqato Xisbiga Ugu soo dhaweeyay Taageerayaashaa ka soo digo Rogtay Xisbiyada WADDANI IYO KULMIYE.

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Tog-dheer Marwo Hadliya ayaa sheegtay in ay Xilalka ugu sareeya Garabka haweenka Ee Gobolka Tog-Dheer  ay ku soo dhaweenayso Xubnaha Miisaanka leh ee ku soo Biiray Xisbiga UCID.

Maro Safiye oo ku hadlaysay afka Haweenka ku soo biiray Xisbiga Ucid ayaa sheegtay in aanay aflagaado iyo dhaliil toona u jeedineen Xisbiyadii ay ka soo baxeen,  waxaanay sheegtay in Xisbiga Ucid Yahay halka ay maanta Bulshada Burco isha ku hayaan isla markanaa ay codkooda ula diyaarka yihiin .

Sidoo kale waxay ballan qaadday in taageero mug iyo miisaan leh ay la garab istaagi doonaan Xisbiga UCID.

Afhayeenka Guud Ee Xisbiga Ucid Mudane Maxamed Xasan SHabaash oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay In ay si kal iyo laab ah u soo dhaweenayaan Taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga UCID.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo gabogabadii xafladdaasi ka hadlay ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysaa, isagoo ugu horeen halkaasi ka yidhi weedho soo dhaween ah oo uu ku soo dhaweenayay Taageerayaasha ka soo digo rogtay KULMIYE IYO WADDANI ee ku soo Biiray Xisbiga UCID.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa soo Dhaweeyay Heshiiskii Dp World ay la gashay Somaliland ee lagu horumairnayo Dekedda Berbera, Waxaanu sheegay in heshiiskaasi noqon doono mid taariikhda u gala Madaxweyne Siilaanyo .

Gudoomiyaha ayaa mar uu ka hadlayay Doodda la galiyay Xuska 18 May,  ayaa waxaa uu sheegay in qofka Dood galiyaa 18 May uu yahay qof aan habeenna  jirin .

Sidoo klae Gudoomiyaha ayaa ku dheeraaday Hagardaamooyinka ay Somalia u maleegayso Somaliland, waxaanu sheegay in loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto Cid kasta  oo cadaw ku ah Qaddiyadda iyo gooni isu taagga Somaliland .

Ugu danbeentii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Bulshada Reer Burco u sheegay in Doorkani yahay Doorkii Xisbiga Ucid uu Talada Dalka Qaban lahaa,  waxaanu sheegay in Doorkii hore uu marti u ahaa Galbeedka Burco Balse uu Doorkan marti u yahay Bariga Burco .

Si kastaba ha ahaate waxaa xafladaasi Gunaanadkeedii lagu soo bandhigo ciyaaro Dhaqameed kala duwan oo Bulshada Reer Burco Dhaqan u leeyihiin iyo Suugaan lagu amaanay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.