Ali Ma Waxaan Mooday Mise Waxa Uu Noqday Mise Waxaan Loo Noqon Doonin!.

Wasiir ali mareexaan waxaa uu ka mid ah markii hore golaha wakiilada jsl kaas oo ka soo baxay gobolka togdheer waxana doortay dhamaan shacab waynaha reer togdheer.

Ali waxa uu xilka xildhibaan nimo hayay muddo ku siman 10 sanno wallow uusan qaban wax horumar ah oo la taaban karo marka laga reebo lacago ay qurrbo joogta uu ugu soo hagaajiyaan deeganada ku teedsan gobolka togdheer.

cali-mareexaan-400x300

Ali mareexaan waxa uu waxbarashada kagag baxay dugsi dhexe walow markii uu isu soo sharaxaayay xildhibaanka 2005 loo sameeyaay shahaado foojari  ah ee dugsiga sare  oo uu sameeyay nin lagu magacaabo nuux kadiye xuseen.

Ninka aqoon halkaasi ka taagan ayaa waxa uu madax-waynaha jsl uu magaacabay wasiirka hawlaha guud iyo guriyaaynta.

Hadaba intii uu xilkaasi hayay waxa uu la soo baxay dhaqamo aan hore loogu arag wasiirada somaliland xilalka kala duwan ka haya waxaan dhaqamadaasi ka mid ah.

  1. kala jaclaysiga dhalinyarada somaliland :waxaanu kumanaan kun  ku kharash gareeyay dhalinyaro gaar ah kuwaasi oo uu faray in ay meel walba iyo makhaayad walb kagag sheekeeyaan ali maraxeen, taasi oo ah dhaqan aan hore loogu arag wasiirada somaliland.

waxayna ku tusinaysaa in aanu ali mareexan wax la xejeclo ah ka lahayn dhalinyarada kale ee somaliland walibana uu si sahal ah ugu ciyaaraayo hantida ummadda

  1. b) iska dhig dhigada wasiirkii hore ee madaxtooyada mr.hersi:mida kale ee iyana la yaabka ah ayaa ah in uu ali mareexan geed dheer iyo mid gaabanba uu fulay sidii loo odhan lahaa ninkaasi waa hersi oo kale balse marnaba ma gaadhi halku gaadhay wasiirkaasi.

waxaanu ku daba lumay hadhkiisa gaadhitaan uu gaadha daaye, waxaanu cunay gebi ahaanba lacagtii loogu tala galay wadad ceerigaabo taas oo sababatay in ay is taagto wadada ceeri gaabo

c­) uu adeegida jifadiisa oo kaliya:wasiir ali mareexaan waxa uu madax-waynuhu wasiir ugu dhigay shacabka jsl balse waxa uu mar waliba shirar goos-goos ah la qaata jifadiisa iyo qaraabadiisa kaas oo ku naas nuujiya hantida ummada.

Isla markaan siiya maashaaricyo hor leh ,waxayna tani ku tusaysaa in aanu marnaba cadaallad ka samayn xilka loo dhiibay.

Dhacdadii ugu danbaysay ee ali mareexan ku kala irdheeyay xildhibaanada golaha deegaanka degmada burco waxay baddka soo dhigtay waayo argimada iyo aqoonta uu leeyahay wasiir ali mareexan.

Waxaanu xildhibaanad u kala jabiyay in ka soo jeeda beeshiisa iyo xildhibaanadii kale oo ka koobnaa ilaa 15 xildhibaan.

hadaba tani waxay ina tusinaysaa in ali mareexaan uu hoosta ka haayo xil kaas oo ah caaqil ay beeshiisu uu caleema saartay.

Ali waxa uu qori dable la dhex qaaday bulshada gobolka togdheer waxaanu kala qaybiyay dhamaan shacabkii gacmaha is haystay.

Waxaanu ku dhex muquuray xildhibaanada golaha deegaanka si uu yahay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka.

Ali mareexaan oo ay bulshada reer togdheer ugu yeedhaan ali dable ayaa imika waji cusub oo beelaysan ku waajihi doona shacabka reer togdheer.

Ali ma waxaad noqotay mise waxaan ku mooday mise waxaan loo noqon doonin.

Ali waxaan ku moodaayay wasiir qaran laakiin waxaad noqotay wasiir qabyaaladayste ah nin jaclaysta ah una adeega jifidiisa oo qudha.

Waxaanan loo noqon doonin in aan wax taageer ah ka helayn dhalinyarta gobolka togdheer mar danbe.

Waxaan madax-waynaha jsl ka codsanaynaa in uu si deg deg ah xilka uga qaado ali mareexaan.

Suxufi225@gmail.com

Suxufi Nimco Mohamed Guuled

Burco/Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.