Markab lagu af-duubtay xeebaha Soomaaliya markii ugu horreysay muddo sanado ah

Soomaaliya – (warsoor) – Wararka ayaa tibaaxaya in Markab nooca xamuulka ah laga af-duubay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Tiro rag ah oo loo malaynayo in ay budhcad badeed yihiin ayaa fuulay markabkan oo badda ku maaxeyey calanka Sri Lanka, waxaanu markaa marayey xeebaha woqooyi ee Soomaaliya maalintii Isniintii, sidaana waxa sheegay dad degaanka ah iyo saraakiil.

Af-hayeenka guuto ka tirsan ciidamada badda Midowga Yururb oo hawlo la dagaalanka budhcad badeedda ah ka wada halkaa, ayaa sheegay in aan lagu degdegi karin in la xaqiijiyo in af-duubkan ay fuliyeen budhcad badeed iyo in kale.

Hadii arrintan la xaqiijiyo waxay noqon doontaa dhacdadii u horraysay ee markab xamuul ganacsi ah ay ku af-duubtaan budhcad badeed Soomaali ahi tan iyo sannadkii 2012.

Guutada ka socota ciidamada badda ee Midowga Yururb ayaa BBC-da ku tidhi “waxaanu dhacdadan ka war helnay shalay [isniintii] waxaana aroornimada horee saaka loo diri doonaa diyaarad nooca yaryar ah si ay u soo baadho”.

John Steed oo ka tirsan hay’adda garkaarka ee la yidhaa Ocean Beyond Piracy, oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa yidhi “shalay galabtii wuxu markabku sheegay in ay daba socdeen laba laash oo yaryari, ka dibna warkiisaba waa la waayey”.

 

Xigasho: BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.