Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kulan la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain

Somalia-(warsoor)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta garroonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Boris Johnson oo saaka soo dagey wadanka somaliya .

Xoghayaha oo saaka socdaal aan horay loo sii shaacin ku yimid Muqdisho,waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa waxa ay ka wadahadleen, arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan xoojiinta xidhiidhka laba dal ,dardargalinta taageeerada wax ku oolka ah ee Ingiriisku siiyo dowladda Soomaaliya iyo taakuleynta howlaha samafal ee xaaladda abaareed ee ka jirta dalka.

Kulankaasi waxaa sidoo kale looga hadlay ,shirka London ee bisha May ka dhici doona, kaas oo la xidhiidha arrimaha Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.