Madaxweynaha Soomaaliya oo Saxiixay Sharciga Axsaabta Siyaasada dalka

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta gelinkii dambe saxiixay sharciga Axsaabta Siyaasada Dalka ka dib munaasabad Kooban oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “ Jawaari”, ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Michael Keating, Masuuliyiin ka tirsan labada golle ee Dowladda, iyo Xubno ka socday qaar ka mid ah Axsaabta Siyaasada dalka.

Madaxweyne_xasan_sheekh

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “ jawaari” ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay dalka.

Sidoo kale Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in sanadkaan baarlamaanka ay qabteen shaqooyin muhiim ah sida iney ansixiyeen sharciyo muhiim u ah dalka sida sharciga Argagixisada, Axsaabta Siyaada Dalka iyo sharciyo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Markii uu Saxiixay ka dib ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in sharcigaan uu ka mid yahay Sharciyada ugu Muhiimsan ee dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay qodobada Muhiimka ah eek u jira Sharcigaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyed ugu faa’iideysan karaan.

6-dii Juun ee Sanadkaan 2016 ayay ahayd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen Sharciga Axsaabta Siyaasada ee Dalka.

Xigasho: SONA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.