Hargeysa – (warsoor) – Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Yasiin Maxamud Xiir Faratoon ayaa lagu joojiyey in wax caleemo saar ah laga hirgaliyo dhamaan goboladda dalka tan iyo inta wasaaraddu ka soo saaray amar dambe.
Wareegtadan wasiirka Arimaha gudaha soo saaray Isniintan ayaa xoojinaysa wareegto hore uu wasaaradda ka soo baxday oo lagu joojiyey caleemo saarka madax-dhaqameedka cusub.
Wareegtanan ayaa u dhignayd sidan:
“Taar Degdega: Sidaad la socotaan waxaa ay wasaaraddu hore u soo saartay wareegto joojin ah oo la xidhiidha caleemo saarka M.Dhaqameedka cusub, hadday tahay Suldaan iyo hadday tahay Caaqilba. Haddaba ayadoo ay wasaaradu u hawlan tahay dib u eegista iyo nidaaminta hawlaha madaxdhaqameedka waxaa la idin farayaa in aad la ogolayn caleemo saarka madaxdhaqameedka cusub, oo aan ogolaansho ka haysan wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha. Sidoo kale waa in la hakiyo cid kasta oo ku hawlan caleemo saarka madaxdhaqameed cusub ilaa amar dambe ka soo baxay wasaaradda Arimaha Gudaha JSL”.
Wareegtadan oo kuu ku saxeexan yahay wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiiir Faratoon.
This post is also available in:
Somali