Hay’ada Alfa Trust oo Dadkii Abaartu Saameysay u billowday inay u Fasho Beerahooda

Hargeysa – (warsoor) – Madaxda sarsare ee Hay’adda Alfa Trust, ayaa Dadkii ay saameeyeen Abaarihii ka dhacay goboladda Galbeedka Somaliland gurmad deg deg ah gaadhsiiyey, waxaanay Safaro shaqo ku tageen miyiga Gobolka Gabiley iyo Awdal.

Gurmadka_beeraha_Alfa_trustHay’adda Alfa Trust ayaa dadkii beeruhu ka ba’een iyo dadkii xooluhu ka dhamaadeenba caawimooyin kala duwan siiyey, halka kuwii Beeraha abaartu ka saamaysay ay u bilaabeen inay u qodaan, isla markaana usoo kireeyeen Cagafcagafyo ay beeraha ku qotaan, halka kuwii Xooluhu ka dhamaadeen xoolo u iibiyey.

Guddoomiyaha hay’ada Alfa Trust, Daahir Cali Kulmiye oo uu wehelinayay badhasaabka gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi iyo isu duwaha wasaaradda Beeraha Gabiley ayaa deegaanadda gobolka Gabiley ka bilaabay Gurmad Beero Qodaal Ah, kuwaas oo boqol qoys oo ka mid ah dadkii ugu darnaa ee Beeruhu ka baaba’een ayaa loo qoday loona beeray.

Badhasaabka Dagmada Gabilay Xamse Maxamed Cabdi oo deeganaddii hay’addu beeraha ka qoday hadalo ka soo jeediyey, ayaa u mahad naqay masuuliyiintan hay’adda Alfa Trust oo usoo gurmaday dadkii abaaruhu saameeyeen, isal markaana u qodaya dalagyadii beerelaydu beeran jireen.

Kulmiye, ayaa isna sheegay in gurmadkan beero abuurka ah u sameeyeen deegaanada beeralayda ah ee gobolka Gabiley ay doonayaan in wakhtiga gu’guga ka faa’iideystaan, isla markaana wax soo saar sameeyaan.

Hay,ada Alfa Trust Oo Ah Hay,ad Inta Badan U Dhaq Dhaqaaqda Taaageerida Dadka Tabaalaysan, ayaa Mashaariicda Beera Qodista ee ay ka bilowday gobolka Gabiley iyo deegaanadda hoos yimaadda ay noqonaysa gurmadkii ugu balaadhna ee loo fidiyo beeralayda abaaruhu saameeyeen ee dalagii sanadkan soo bixi lahaa ka burburay.

Gurmadka_beeraha_Alfa_trust2

Sidoo kale, masuuliyiinta Hay’adan oo ay la socdaan badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley, Cali Case  ayaa soo gaadhay degmadda Allabaday iyo tuulooyinka hoos yimaadda ee ay ka mid tahay tuuladda Heeryo, waxaana Tuuladaasi Ku Sugnaa Dad Faro Ku Tiris ah oo u badan dadkii awoodi waayay inay ka guuraan deegaanka, waxaana masuuliyiintani halkaasi kula kulmeen hooyo oo xoolihii ay haysatay kaga dhamaatay Abaaraha, ka dibna uu xanuunka maskaxda ahi ku dhacay oo ay ka waalatay xoolihii dhama oo  aanay neefba haysan.

Wiil ay dhashay hooyadan iyo odayaashii deegaankani ayaa ka warbixiyeen masiibadda ku habsatay hooyadan iyo duruufta ay hadda ku nooshahay oo ah mid aad u adag, iyagoo masuuliyiintii halkaasi marayey ka codsaday in la soo caawiyo.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi (Cali Case), ayaa sheegay in arrintan uu ka xun yahay, isla markaana loo baahan yahay in gurmad loo fidiyo, waxaanu sheegay in hay’adan la socota ay u timid deegaanka inay caawimo kala duwan soo gaadhsiiyaan.

Gudoomiyaha hay’ada Alfa Trust Daahi Cali kulimiye, ayaa isna sheegay inuu ka xun yahy dhibta soo gaadhay hooyadan, isagoo isla goobtii ugu iibiyey sodan neef Oo Dhaqasho Ah oo hooyadan xanuunkii dhimirku ka dhacay loogu iibin lahaa, maadaama oo xoolihii ay lahayd abaartu ka dhamaadeen.

Daahir Cali Kulmiye ayaa sheegay in dadkii abaaruhu ku dhaceen ee Beeralayda ah iyo dadkii xooluhu ka dhamaadeenba caawimo degdeg ah siiyeen intii ay awoodi karayeen, iyagoo u eegayey sida ay u kala daranyihiin ama abaartu u kala saamaysay.

Abaartan ka dhacday goboladda galbeedka Somaliand, ayaa ahay  mid aad u daran oo dad iyo duunyaba saamaysay, iyadoo Beeralaydiina biyo la’aan awgeed waxba ka soo bixin ama go’inba, waxaanay hay’adda Alfa noqonaysa tii ugu horeysay ee xaga Beeraha wax ka qabata.

Barkhad-Ladiif M. Cumar,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.