Dawladdda Masar oo Xabsiyadda U Taxaabtay Tahriibayaal Soomaali ah

Masar – (warsoor) – Dawladda Masar ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 180 tahriibayaal ah kuwaasi oo isku dayaayey inay u tahriibaan waddamada Yurub. Tahriibayaashan ayaa laga soo qabtay xeebaha dalka Masar xili ay ciidamadu waddeen hawl-galad badda ah.

Tahriibayaashan la qabtay ayaa isugu jira Somali, Itoobiyaan iyo Eratariyaan kuwaasi oo ku sii jeeday inay beegsadaan xeebaha dalka Yurub.

tahriibayaal-xidhanMid ka mid ah maxaabiista ku jira xabsiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadda amaanka ee dalka Masar ay gacanta ku soo dhigeen isaga iyo tahriibayaashii kale ee la socday todobaad ka hor waxaan qaar ka mid ah laga sii daayey xasbiga, kuwaasi oo haystay sharciga aqootiga ee hay’adda Qaramadda Midoobay siiso.

Dawladda Masar ayaa inta badan qabqabata dadka sifadda sharci daradda ah uga tahriibaya dalkeeda, balse waxaa inta badan dhacda in dadka la siidaayo ay qaarkood ku dhintaan badaha.

Horaantii bishan April ee 2016 ayey hayd markii dooni siday in ka badan 500 oo tahriibayaal ahi oo Soomali badan ku jirtay ku haligmeen badweynta u dhaxaysa Masar iyo Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.