DAAWO: Bannaanbaxa Jaalliyadda Somaliland ee Sweden 18 May 2016

Sweden  – (warsoor) – Jaalliyadda Somaliland ee dalka Sweden ayaa ku qabtay bannaanbax aad u ballaadhan magaalada caasimadda Sweden ee Stockholm 18 May 2016.  Bannabaxan oo lagu qabtay xarunta Baarlamaanka Sweden horteeda.

Waxa ka soo qaybgalay jaalliyadaha kala duwan ee Somaliland ee ku dhaqan gobollada iyo magaalooyinka dalka Sweden.

Gudida Jaalliyadda Somaliland ee Sweden iyo qaarka mid ah masuuliyiinta Dallada Isku Xidhka Jaalliyadaha Somaliland ee Europe (SSE) oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhiirrigeliyay doorka qurbajooggu ka qaadanayo  qadiyadda ictiraaf raadinta Somaliland iyo inay sidan wadaniyadda leh uga jawaabayaan baaqii uga yimi Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo xukuumadda JS.

Dhinaca kale, Gudida Jaalliyadaha Somaliland ee Europe (SSE) ayaa u gudbiyay  qoraal rasmi ah oo lagaga codsanayo dawladda Sweden aqoonsiga Somaliland Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden  Margot walström iyo Gudoomiyaha Arrimaha Dibadda ee Baarlaamnka Sweden Kennet Forslund. Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa sheegtay inay dalabka jaalliyadda Somaliland Sweden horgayn doonto baarlamaanka dalka Sweden.

SOMALILIAND_SOCIETIES_IN EUROPE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.