Nuxurka Kulan Ballaadhan Oo Uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland La Yeeshay Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Soomaalida Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku yimi caasimadda Hargeysa.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay madaxweynaha dawlad-deegaanka oo muddo saacado ah qaatay, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga warbixiyey wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore iyo Hawlaha guud ee dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdiraxmaan Iid Daahir, waxana ay si qoto dheer u sharraxeen nuxurka kulanka iyo waxyaabihii sida gaarka ah diiradda loo saaray oo ay ugu horreeyaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo ganacsigu.

Ugu horrayn Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, oo ka hadlay kulanka labada madaxweyne ayaa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalidu, waxana uu sheegay in wada-hadallada liishaanka lagu saaray dhinacyada amniga iyo ganacsiga, maadaama Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida ay ka dhaxayso dano badan oo derisnimo iyo walaalnimo salka ku hayaa, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“Waxannu si buuxda uga wada-hadallay dhinacyada ganacsiga nabadgelyada iyo xaaladaha ka jira geeska Afrika hadba sida ay noqon doonaan oo aynu si dhaw u wada eegi doonno, Sharaf bayna noo tahay inaanu si ehelnimo iyo walaaltinimo leh uga wada-hadalnay arrimahayaga gaarka ah, taasina waxay kusoo dhammaatay guul iyo is Af-garasho, si wacanna waanu isula Afgaranay qodobbadii aannu ka wada-hadalnay.”

Wasiirka Hawlaha guud ee Dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdiraxmaan Iid Daahir oo isaguna dhinaciisa halkaas ka hadlay, ayaa gaar ahaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumaddiisa iyo shacbigaba uga mahadceliyey sida milgaha iyo walaaltinimada leh ee ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne Mustafe Cagjar, waxana uu carrabka ku adkeeyey qodobbada ay dhinacyadu xoogga saareen muddadii kulanku socday, waxana uu yidhi,“Booqashada uu madaxweyne Mustafe iyo weftigiisu halkan ku yimaaddeen waxay daarranaayeen laba qodob oo dhinaca amniga iyo ganacsiga la xidhiidha. Dhinaca ganacsigana hawlo badan oo ay dawladda Somaliland si wanaagsan noogala shaqaysay baa jira oo arrinta xakamaynta sicirka lacagta birta ah baa jirta, tallaabo ay labada xukuumadood wada qaadeenna lagu guulaystay in la xakameeyo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalidu ku maamuusay Hadhimo-sharafeed ballaadhan, waxana kulankaas goob-joog ka ahaa xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE.

Wa-bilaahi Tawfiiq