Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo qaabilay madax ka socotay Hay’adda UNSOM

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, oo uu wehelinayay lataliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, ayaa Isniinta maanta xafiiskiisa ku qaabilay, masuuliyiin ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlgalada Somaliland iyo Soomaaliya ee (UNSOM) oo ay hoggaaminaysay madaxa ilaalinta xuquuqda Aadamaha ee UNSOM, marwo Kurstan Young oo ay wehelinayeen Sea Mawalla iyo Axmed Cismaan Jaamac oo ah saraakiil dhanka xuquuqda aadamaha ah.

Ugu horayn kulanka ayaa ku bilaabmay is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga ka dhexeeya hay’adda UNSOM iyo Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan waaxda garsoorka dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa masuuliyiinta uga waramay sida garsoorka dalku ahmiyad gaar ah u siiyo arrimaha la xidhiidha xuquuqda aadamaha, waxaanu xusay in doorka ugu weyn ee garsoorka dalku bulshada ugu jiraa yahay ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo helida xaqa ay baadi-goobayaan muwaadiniintu. Sidoo kale waxa uu tibaaxay in adeeg garsoor, oo hufan laga hirgaliyay dhammaan deegaanada dalka.

Geestooda masuuliyiinta ka socday hay’adda UNSOM ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hay’adda garsoorka iyo hay’adaha la hal-maala ugu jiraan arrimaha la xidhiidha xuquuqda aadamaha. Marwo Kurstan Young madaxa ilaalinta xuquuqda aadamaha ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlgalada Somaliland iyo Soomaaliya (UNSOM), ayaa Maxkamadda Sare uga mahadcelisay doorka iyo wada shaqaynta fiican ee ay ka qaadato, dacwadaha la xidhiidha arrimaha xuquuqul insaanka iyo dadka nugul, waxaanay tibaaxday in ay geestooda xoojinayaan xidhiidhka ay la leeyihiin hay’adda garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxa Waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare JSL
Ibraahin Maxamed Cali
Wa bilaahi tawfiiq