Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Somaliland safar ku yimid

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wafti uu hoggaaminayo, oo safar dhinaca dhulka ah Somaliland kusoo gaadhay, ayaa sheegay in uu u socda sidii Somaliland iyo deegaankiisu iskaga kaashan lahaayeen ka gudbista dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika ka jira.

Madaxweynaha ayay socdaalkan ku weheliyaan hoggaanka xafiiska nabadgelyada DDS mudane Mubashir Dibbad Raage iyo wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDS mudane Cabdiraxmaan Ciid Daahir iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo masuiyiin kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa weftiga madaxweyne Cagjar ku soo dhaweeyay Wajaale.

Waxaanu yidhi.”Waxaanu u soconaa in aanu masuuliyiinta iyo madaxda Somaliland kala hadalo arrimo la xidhiidha iskaashiga guud, sida dhaqaalaha, isdhexgalka bulshada, tan iyo markii uu isbadalku deegaanka ka dhacay, iyadoo dadku ay horayba walaalo u ahaayeen hadana is badal balaadhan ayaa ka jira dhinaca is dhexgalka”

Madaxweynuhu waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay.”Somaliland oo ah dad aanu walaalo nahay, dowlad aanu jecelnahay, in xaaladaha geeska ee soo kordhay aanay samayn xun nagu yeelan, dhinaca amnigana sidii loosii adkayn lahaa ayaanu u soconaa”.

“Waxaanu hadda joogna magaala xuduudeedka Tog-wajaale, waxa aanu halkan ku soo dhaweynayna anaga oo ka kooban wefti dawladda Somaliland ka socda madaxweynaha DDS, Mustafe Cagjar, iyo weftigiisa, ayaga waa dalkoodii hooyo anagana waa dalkayagii,  madaxweyne soo dhawaada qariib ma tihidin ee dalkiini ayaad timaadeen si rasmiya ayaanu idiinku soo dhaweynaynaa, maanta Jamhuuriyadda Somaliland”

Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in uu saxaafada la wadaagi doono waxa ay isla meel dhigaan madaxda Somaliland kadib markay kulamo qaataan.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa magaalo xuduudeeda Tog-wajaale kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,  wasiirka warfaarinta Saleebaan Yuusuf Cali Koorre, wasiirka xannaanada xoolaha Siciid Sulub Maxamed, saraakiil kale oo xukuumadda Somaliland ka tirsan.