Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Tababarka U Furay Qaar Ka Mida Goleyaasha Degaanka Degmooyinka Ku Jira Mashruuca JPLG

HARGEYSA – (WARSOOR) – Kulankaas oo ka furmay caasimad Hargeysa waxa hadal ka jeediyay wasiirka wasaaraddaha arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo sheegay in u jeedada tobarkaasi tahay sidii goleyaasha cusub ee loo doortay degmooyinka uu ka shaqeeyo barnaamijka maamul daadajinta dawladaha hoose ee loo qayaan JPLG ay wax uga ogaan lahaayeen halka uu maraayo barnaamikaas, kaas oo wejigiisii shanaadka socoda degmooyinka dalka ee barkaamikaas ku jira.

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu xusay tabobarkaasi mudada uu socdo xubnaha cusub ee goleyaasha degaanka ee tabobarkaas ka ka qayb qaadan doonaa ay ku baran doonaan sidii ay halkii uu taagnaa uga sii wadi lahaayeen barnaamijkaas maamul daadajinta dawladaha hoose ee dala, maadaama oo qaar ka mida goleyaashii degmooyinka qaar ee barnaamijkaas maamuli jiray ay meesha ka baxeeen doorashadii ka dib.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo ku hadlaayay afka goleyaasha degaanka ee tobarkaasi u furmay, wxaanuu xubnahaas ku doo dhaweeyay caasimada Hargeysa, isla markaana wuxuu ballan qaaday in ay si fiican uga faa’iidaysan doonaan.

Wasiirka wasaaradda hawlhaha guud iyo guryayhnta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi goobtaas ka sheegay in wasaaradda hawlaha guud sii dar-dargelindoonta wada shaqaynta ay la leedahay maayaraka iyo goleyaasha degaanada cusub ee dhawaan la doortay, waxaanuu wasiir Qami intaas ku daray in wasaaradda uu masuul ka yahay ay meelo badan ka wada shaqeeyaan goleyaasha degaanka dalka, taas oo ay ka mid tahay qorshaynta magaalooyinka iyo fiditaanka magaalooyinka dalka.

Ugu dambayn madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo furitaanka tabobarkaas ka hadlay ayaa sheegay in mashruuca maamul daadajinta dawladaha hoose ee loo yaqaan JPLG uu soo maray maraaxil kala dawan, isla markaana dalka uu ka socda wejigiisii shannaad, kaas oo u jeedada tabobarkaasi tahay in xubnaha barnaamijkaas ku jiraa u fahmi lahaayeen waxtarka u u leeyahay degmooyinka iyo xeerka ismaamulka degmooyuinka dalka, kaas oo qayb ka ah barnaamijkaas.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) madaxweyne ku xigeenka Somaliland wuxuu sheegay in xukuumadda dhexe ee Somaliland barnaamijkaas ay dadaal badan galisay, kaas oo degmooyin badani ay ka faa’iidaysteen, isla markaana ay diyaar u tahay sidii barnaamijkaas waxtarkiisu uu u gaadhi lahaa dhammaan degmooyinka dalka, waxaanuu xubnaha degmooyinka tabobarkaas qaadanaaya u soo jeediyay in degmooyinka ay masuulka ka yihiin kaga shaqeeyaan arrimaha ay tabobarkaas ku bartaan.