Shaqaale Ajaanib ah oo muddo 8 bilood ah ku xayiran Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – 13 shaqaale kalluumaysi oo u dhashay dalka Indonesia ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin Soomaaliya qiyaastii siddeed bilood. Warbixintaan waxaa soo gudbiyay hay’ad lagu magacabo Dishing destishing Fishing Watch.

Hay’adda ma sheegin sababta shaqaaluhu ugu xayiran yihiin Soomaaliya.

Shaqaalahan ayaa horey uga soo shaqeeyay maraakiib kalluumaysi oo kala duwan oo dalka Shiinaha laga lahaa. Wuxuuna qandaraaskoodu ku ekaa Diseembar 2020.

Kadib dhammaadka muddada heshiiska, wakaaladda shaqaalaysiinta ee Indonesia iyo shirkadda kalluumeysiga ee ay ka shaqeynayeen, ma aysan bixin hubin ku saabsan dhammaadka muddada heshiiska.

Dishing destishing Fishing Watch, waxay sheegtay in 13 -kii shaqaale ee doonida kalluumeysiga la socday ay ku xaniban yihiin jasiirad ku taal Soomaaliya.

Iskuduwaha Ilaalinta Kalluumeysiga Indonesia, Moh Abdi Suhufan ayaa sheegay in ay dadaallo waddo dowladda Indonesia balse illaa hadda kuma guuleysan inay daad -gureyso shaqaalaha ku xayiran Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda Indonesia ay ka codsan doonto caawimaad hay’adaha caalamiga ah si loo sii daayo shaqaalaheeda.

Shaqaalaha markabka kalluumeysiga waxay shegeen in hay’adda maraakiibta Shiinaha ay iskaashi la samaysay dhinacyo ka mid ah Soomaaliya si ay uga wada shaqeeyaan sidii loogu hayn lahaa meel go’doon ah.