Shirweynaha 6aad ee Dalladda SONSAF oo Hoggaan Cusub lagu doortay iyo Nuxurka Hadalladii laga jeediyey

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirweynihii Lixaad ee Dalladda ay ku midaysan yihiin Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ee SONSAF, ayaa lagu doortay hoggaan cusub oo hawlaha Dalladda maamuli doona saddexda sanno ee soo socda.

Shirweynaha oo maanta ka furmay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, madaxda axsaabta siyaasadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Komishanka Doorashadooyinka, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, saraakiil ka socotay hay’adaha Caalamiga ah, ergooyin ka socday jilayaasha aan Dawliga ahayn ee ku midoobay dallada iyo marti-sharaf kale.

Shirweynaha lixaad ee Dalladda SONSAF oo la soo gebo-gabeeyey gelinkii dambe ee isla maanta, waxa ay ergooyinku halkaas ku doorteen hoggaanka sare Dalladda SONSAF oo ka kooban Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye iyo Guddiga Fulinta oo marka laysku daro ka kooban 17 xubnood.

Guddoomiyaha Daladda SONSAF waxa markale loo doortay Anwar Cabdilaahi Warsame oo saddexdii sanno ee u dambeeyey soo hayey hoggaanka dalka, halka guddoomiye ku-xigeenka dalladda loo doortay Aamiina Faarax Caarshe oo xilkaas hore loo qabatay. Xoghayaha Guud ee Guddiga waxa loo doortay Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, halka Qasnajiga Guddiga loo doortay Mustafe Cabdilaahi.

Guddoomiyaha SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo hadal ka jeediyey shirweynaha, ayaa ka warramay heerarkii dalladu soo martay iyo wax-qabadyadii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay, qaybaha bulshada ee dalladu ka kooban tahay iyo doorkii ay ka ciyaareen horumarka dalka, gaar ahaan doorashooyinkii u dambeeyey ee qabsoomay bishii May ee sannadkan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo shirka ka hadlay, ayaa sheegay in meelaha ay Somaliland horumarka ka gaadhay ugu horreeyaan Ururrada Bulshada Rayidka ah oo uu sheegay in dunidu ku majeeratay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Calioo isaguna hadal ka jeediyey shirka, ayaa SONSAF uga mahadnaqay kaalinta ay ka geysteen doorashooyinkii u dambeeyey ee dalka ka qabsoomay oo qaybo ka mid ah dhaqaalihii beesha caalamku ku caawisay Somaliland la soo mariyey dalladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu xusay faa’idada ay leedahay iyo baahida loo qabo in dalka ay ka hirgalaan ururrada Bulshada Rayidka ah, balse waxa uu xusay in caqabadda ugu weyn ee taas hor-taagani tahay dhaqaale-la’aan jirta awgeed. Haseyeeshee, waxa uu guddoomiyuhu sheegay in Somaliland ka mid tahay waddamada ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah

“Marka Afrika la sheegayo ama qaarado badan oo Dunida ah la sheegayo sida qaarada Eeshiya iyo Laatin Ameerika, waxaynu nahay waddamada ugu caansan ee ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah.”

Waxa kale oo Shirka hadallo ka jeediyey Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta, Qorsheynta Qaranka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Masuuliyiin ka tirsan Saddexda Xisbi Qaran iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaantood ku ammaanay SONSAF iyo hoggaankeeda doorka ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SONSAF oo la aasaasay sannadkii 2008-dii, waxa xilka guddoomiyaha hore u soo qabtay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali oo soo noqday guddoomiyihii u horreeyey ee Dalladda iyo Mustafe Sacad Dhimbiil oo xilka banneeyey sannadkii 2018-kii kaddib markii uu laba jeer oo hore soo qabtay guddoomiyaha dalladda SONSAF.