Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Kormeeray ku tegay deegaannada Durruqsi, Waraabeeye iyo Gubataxil

BURCO – (WARSOOR) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Togdheer, ayaa maanta socdaal indho indhayn ah ku gaadhay deegaanno gobolka katirsan oo ay kamid yihiin Durruqsi, harada Gubataxil, Waraabeeye iyo deegaammo kale.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, oo galabta gaadhay deegaannadan, ayaa u kuurgalay xaaladda abaareed ee deegaannadaas ka taagan, waxana ay shacabka halkaas ku dhaqan u sheegeen in xukuumaddu garab taagan tahay, islamarkaana ay qorshaha loogu gurmanayo dadka abaartu saamaysay meel sare kaga jiraa.