Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Saaka Kormeeray Xarumaha Taariikhda Keydka Qaranka iyo Taaladda Diyaaradda Hargeysa

Hargeysa-(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka subaxnimadii hore kormeeray dhismaha xarunta lagu keydin-doono keydka taariikhda qaranka iyo casriyeynta taaladda diyaarada Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay goobtaasi warbiximo kaga dhegeystay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bille oo isagu gacanta ku haya dhismaayaasha Xarumahaasi.

Dhismeyaashan oo ay hirgelin doonto madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wakhtigan ku dhaw Gebegebo, waxaanu madaxweynuhu masuuliyiinta iyo shirkadaha gacanta ku haya faray inay sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystiraan wixii ka dhiman iyagoo dhawraya wakhtiga.

Wa-bilaahi Tawfiiq.